Baydhabo (Adduun.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan howlgallo amni oo ballaaran, kuwaas oo lagu xoojinayo nabadgalyada magaalada iyo deegaannada ku hareeraysan.
Ciidamo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa si wadajir ah uga howlgalaya duleedka Baydhabo, halkaas oo ay ka sameysteen saldhigyo cusub iyo fariisimo ciidan oo loogu talagalay adkeynta amniga iyo ka hortagga khataraha ka iman kara kooxaha hubeysan.
Howl-galladan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu kordhinayo dadaallada lagu sugayo amniga guud ee magaalada Baydhabo, oo ah xarunta siyaasadeed iyo maamulka ee dowlad-goboleedkaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in saldhigyada cusub laga hirgeliyay goobo istaraatiiji ah oo ku yaalla duleedka magaalada, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada amni-darro ee ka dhici kara aaggaas, isla markaana loo xaqiijiyo amniga shacabka.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay amar ay shalay soo saareen hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, kaas oo lagu faray saraakiisha ciidamada inay dardargeliyaan howlgallada lagu sugayo amniga Baydhabo iyo deegaannada hoos yimaada.
Mas’uuliyiinta maamulka ayaa muujiyay walaac ku aaddan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la sheegay inay wadaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda maamulka, kuwaas oo taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen oo si xoog ah looga tuuray xukunka. Kooxahan ayaa lagu eedeeyay inay weerarro ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin gobolka Baay.
Baydhabo ayaa dhawaan marta-gelisay dagaallo ka dhashay isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay maamulkaasi, oo haatan uu hoggaaminayo Sheekh Aadan Madoobe oo maalmo ka hor loo doortay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
SIRDOON & QISO
Sheekada QODAX & Dhega-yare | Xasuus qorka Yaxye S-waar
