Tel Aviv (Adduun.com) – Falcelin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay booqashada uu maanta Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku tegay dalka Israa’iil, halkaas oo si heer sare ah loogu qaabilay.
Safarkan oo Madaxtooyada Somaliland ku tilmaamtay mid taariikhi ah ayaa muujinaya in weli Israa’iil ay sii wado xad-gudubka ka dhanka ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Ciro ayaa soo dhaweyn kadibb kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, wuxuuna uga mahadceliyay sii dhaweynta loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.
Sidoo kale, wuxuu faah-faahiyay safarkiisa oo uu tilmaamay inuu xoojinayo xiriirka labada dhinac oo indhawaanahan cirka isku tolayay.
“Waxa sharaf weyn ii ahayd inaan ka qayb galo qado-sharafta Qaran ee uu ii sameeyey saaxiibkay, Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, taas oo ka qabsoontay Xarunta Madaxtooyada Israel. Laga soo bilaabo ilaa booqashadan Israa’iil, wada-hadalladayadu waxa ay ka tarjumayeen xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil. Maantana, xidhiidhkaasi waxa uu qaadayaa tallaabo kale oo muhiim ah, annaga oo ka wada shaqaynayna dhismaha mustaqbal ku salaysan iskaashi, wax-wada-qabsi iyo fursado wadaag ah oo u adeegaya danaha iyo horumarka labada shacab,” ayuu yir Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Haddaba sidee looga fal-celiyay booqashada Cabdiraxmaan Cirro ee Tel Aviv?
Shamsudiin Cabdirashiid: “Cirro Salaaddii Duhur & Salaaddi Casar halkee ku Dukatay ileeyn dhul Yahuud oo nacladan ayaa joogtaa?”.
Cabdiraxmaan Lankar yare: “Talaabadi aad ku dhiman lahayd waayay tan waan arkee waxa ay kugu sameyso Yahuud”
Mubaarak Ciid: “Somaliland caalamka ayay la tartamaysaa Madaxwayne guulayso”.
Zakariye Maxamed: “Subxanallaah Ilaaheeyow naga nabadgeli jidkii Yahuud oo Nasaaro mareen Yahuud ilaahay baa nacladay Cirrow.
SIRDOON & QISO
Sheekada QODAX & Dhega-yare | Xasuus qorka Yaxye S-waar
