Kismaayo (Adduun.com) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maanta ciidamo cusub iyo gaadiid dagaal kusoo bandhigay xero ku taalla gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo loo diyaarinayo inay ka qaybqaataan howlgallada ka socda deegaannada maamulkaaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay wax badan ka duwan yihiin kuwii hore, isla markaana ay heystaan tababarro muhiim ah oo ku aadan howlaha amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Ciidamadan oo sidoo kale aad u qalabeysan ayaa waxaa tababar usoo xiray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waana qayb kamid ah ururka gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Darawiishta Maamulka Jubaland.
Axmed Madoobe oo goobta kula hadlay ciidamada tababarka dhammaystay ayaa xusay in casharrada kala duwan ee ay qaateen, gaar ahaan la dhaqanka bulshada, loo baahan yahay in laga dareemo deegaannada ah ka howlgalayaan, gaar ahaan kuwa laga xoreeyo Al-Shabaab.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in guusha howlgalladu aysan ku koobnayn oo keliya dhinaca amniga, balse ay muhiim tahay in ciidamada ay kasbadaan kalsoonida iyo taageerada shacabka ay u adeegayaan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale ku bogaadiyey ciidamada dadaalka ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday, isagoo ku dhiirrigeliyey inay si hufan uga soo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla markaana ay door muuqata ka qaataan xoreynta iyo sugidda amniga deegaannada Jubaland.
Jubbaland ayaa u muuqato inay xoojineyso difaaceeda, ayna kordhineyso tirada ciidamadeeda, maadaama ay taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo mar isku rogtay gacan ka hadal kadib dagaal labada dhinac ku dhexmaray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa kaloo loo jirta in Jubbaland ay dardargelineyso dagaalka ay kula jirto argagixisada, OO weli ku xooggan dhul ballaaran oo kamid ah maamulkaasi, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

SIRDOON & QISO
Sheekada QODAX & Dhega-yare | Xasuus qorka Yaxye S-waar
