Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan oo shaaciyey in Turkey kaliya aan la siin heshiiska shidaalka balse ay ku jiraan… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan oo shaaciyey in Turkey kaliya aan la siin heshiiska shidaalka balse ay ku jiraan…


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa difaacay doorka dowladda Turkiga ee sahminta shidaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in Muqdisho ay la shaqeynayso cid kasta oo diyaar u ah inay maalgashi ku sameyso khayraadka dalka.

Wareysi uu Madaxweynuhu siiyay warbaahinta Dawan Media, ayuu kaga jawaabay su’aalo la xiriira sababta Turkiga loogu doortay howlaha sahminta shidaalka, xilli ay jiraan shirkado caalami ah oo waaweyn oo khibrad dheer u leh arrimaha shidaalka.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo heshiisyada Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca shidaalka iyo difaaca badda ay weli dood ka dhex dhalinayaan siyaasiyiinta, khubarada iyo qeyb ka mid ah bulshada, kuwaas oo qaarkood su’aalo ka keenay hannaanka loo maray heshiisyada, saamiga Soomaaliya iyo daahfurnaanta xogta la xiriirta khayraadka badda.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadkii 2024 kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira difaaca badda iyo sahminta shidaalka. Heshiiska tamarta ayaa Ankara siinaya door ku saabsan sahminta, qiimeynta, horumarinta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya.

Markabka Turkiga ee Oruç Reis ayaa bishii October 2024 gaaray xeebaha Soomaaliya, si uu halkaas uga sameeyo sahmin seismic ah. Markabka ayaa xog ka uruuriyay aagag ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana xigay in markabka Cagri Bey uu billaabay qodista shidaalka bishii April.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diiday aragtida ah in Soomaaliya ay sugto xasillooni siyaasadeed oo buuxda ka hor inta aan la bilaabin ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Waxa uu sheegay in siyaasadda ay mar walba la socoto dood iyo tartan, isla markaana aysan jirin dal dimoqraadi ah oo siyaasaddiisu gebi ahaanba xasilloon tahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka dhaliilaya heshiiska Turkiga laga doonayo inay soo bandhigaan shirkado kale oo diyaar u ah inay maalgashi ku sameeyaan shidaalka Soomaaliya.

“Yaa kale oo na raba?” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in Soomaaliya ay leedahay boqollaal block oo badeed, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku jiraan shidaal iyo gaas.

Waxa uu sheegay in dowladihii uu hoggaaminayay ay bixiyeen 12 block oo shidaal ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay qaateen shirkado Turki ah, halka sagaalka kale ay heleen shirkado reer Galbeed ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mid ka mid ah shirkadaha shisheeye ee haysatay toddobo block ay dhowaan dib ugu soo celisay dowladda, kadib markii ay sheegtay inaysan haysan awooddii maaliyadeed ee ay ku sii wadi lahayd maalgashiga.

Arrintan ayuu ku sheegay tusaale muujinaya in helidda shirkado diyaar u ah inay lacag badan geliyaan sahminta shidaalka Soomaaliya aysan ahayn wax fudud, gaar ahaan dal muddo dheer la daalaa-dhacayay amni-darro, khilaaf siyaasadeed iyo tabashooyin la xiriira hay’adaha dowladda.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweynayso shirkad kasta oo doonaysa inay maalgashi ku sameyso shidaalka dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in shirkado waaweyn oo caalami ah ay hore u haysteen xuquuqda meelo ka mid ah badda Soomaaliya, balse markii dambe ay dib uga laabteen.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda aysan cid gaar ah u xirin fursadaha maalgashiga, balse ay la shaqeynayso cid kasta oo diyaar u ah inay maalgeliso khayraadka dalka.

“Waxaan haysannaa badeecaddan, waan u baahan nahay, waana ku dul baahan nahay,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya aysan sii sugi karin in khayraadkeeda dabiiciga ah uu muddo dheer ku jiro dhulka iyo badda, iyadoo dalku u baahan yahay dhaqaale, shaqo-abuur iyo il dakhli oo ka baxsan deeqaha iyo canshuuraha xaddidan.

Hase yeeshee, doodda ku saabsan shidaalka Soomaaliya ayaa ka sii weyn cidda sahminaysa. Waxay taabaneysaa su’aalo la xiriira maamulka khayraadka, sida dakhliga loo qeybinayo, doorka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, iyo sida loo xaqiijinayo in heshiisyada waaweyn lagu maamulo daahfurnaan iyo isla-xisaabtan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in heshiisyada Turkiga ay yihiin fursad istiraatiiji ah oo dalka ka caawin karta inuu dib u soo nooleeyo rajadiisa tamareed, halka dadka dhaliilsan ay sheegayaan in shacabka loo baahan yahay in si cad loogu sharxo faahfaahinta heshiisyada iyo waxa Soomaaliya uga soo baxaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dooday in dowladda ay ka faa’iideysaneyso fursad kasta oo sharci ah oo lagu horumarin karo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalku u baahan yahay saaxiibbo diyaar u ah inay qaadaan khatarta maalgashi ee marxaladdan.

“Cid kasta oo imaanaysa oo diyaar u ah inay nala shaqeyso, waan la shaqeyneynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard