Nairobi (Adduun.com) – Hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqday in garsoore Cumar Cartan la siin doono dhammaan gunnooyinkii iyo lacagihii uu heli lahaa intii uu ka shaqeyn lahaa Koobka Adduunka.
Go’aankan ayaa imanaya kadib markii dowladda Mareykanka ay ka hor istaagtay Cartan inuu ka qayb-galo Koobka Adduunka 2026, inkastoo uu ka mid ahaa garsoorayaasha si rasmi ah loogu soo xulay tartankaas.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo, FIFA ayaa go’aankan u gaartay si loo yareeyo saameynta ballaaran ee ka dhalatay maqnaanshihiisa tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka.
Hay’adda FIFA ayaa muujisay garab istaag xooggan oo ay la garab taagan tahay garsooraha Soomaaliyeed, iyadoo ka xun caqabadihii dhanka socdaalka ee sababay in uusan gudan waajibaadkiisii shaqo ee Koobka Adduunka.
FIFA ayaa sidoo kale raalli-gelin ka bixisay duruufaha keenay in Cartan laga celiyo safarkiisii, taasoo dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ka dhex abuurantay bahda kubadda cagta iyo taageerayaasha ciyaaraha ee caalamka.
Dhacdadan ayaa si weyn looga falceliyay gudaha Soomaaliya iyo dunidaba, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen tallaabo aan caddaalad ahayn in garsoore heer caalami ah looga hor istaago inuu ka qayb galo tartan uu si rasmi ah ugu soo baxay.
Garsoore Cumar Cartan ayaa muddadii ay arrintani taagnayd helay taageero ballaaran oo uga timid bahda isboortiga, siyaasiyiin, madax kala duwan iyo qaybo badan oo bulshada ka tirsan, kuwaas oo cambaareeyay tallaabadii lagu hor istaagay.
Dhinaca kale, hab-dhaqankii degganaa iyo dulqaadkii uu muujiyay Cartan intii ay socotay murankan ayaa si weyn loogu ammaanay fagaarayaasha isboortiga, iyadoo lagu tilmaamay inuu si xirfadeysan uga falceliyay xaaladda adag ee soo wajahday.
Taageeradaas iyo sumcadda uu ku leeyahay garsoorka caalamiga ah ayaa keentay in Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) uu u magacaabo inuu garsoore ka noqdo kulanka UEFA Super Cup 2026, kaas oo 12-ka August ku dhex mari doona kooxaha Paris Saint-Germain (PSG) iyo Aston Villa, taasoo loo arko abaalmarin iyo kalsooni cusub oo la siiyay garsooraha Soomaaliyeed.
SIRDOON & QISO
Sheekada QODAX & Dhega-yare | Xasuus qorka Yaxye S-waar
