Kismaayo (Adduun.com) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta la hadlayay ciidamo uu tababar usoo xiray ayaa soonhadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si kulul ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ku celiyay in dowladdiisa aysan Madaxweyne uu aqoonsaneyn Axmed Madoobe.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Barnaamijka Miisaan Prodkast ee Dawan ayaa intaas ku daray in Axmed Madoobe markii uu dhawaan imaanayay Muqdisho uu ku yimid xubin ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday in aanu aqoonsi uga baahneyn dowladda dhexe, isla markaana go’aanka ay leeyihiin dadka reer Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.
“Maalin dhawayd waxaan dhageysanayay Xasan oo leh ma aqoonsani doorashada State-ka ka dhaceyso waa mid reer Jubbaland ay aqoonsi uga baahantahay dadkeeda ayaana iska leh wax sharciyad ah oo dowladda dhexe kaga xiran ma jirto,” ayuu ku jawaabay Axmed Madoobe.
Sidoo kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu tilmaamay inuu isku koobay awoodda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladnimada Soomaaliya aysan ku ekeyn degmada Wardhiigleey oo ay ku taallo Madaxtooyada Qaranka.
“Dib gogosha haloogu soo noqdo talada dhulka hala dhigo korbaan u haynayaa Soomaaliya halka ay gaarsiisay waan ogsoonahay intaas oo sano ayaanu dagaal sokeeye ku jirnay Wardhiigley ma aha dowladnimada Soomaaliya haddii uu qofka u arkaa in xaafadda uu joogaa ay u noqoneyso dowladnimada Soomaaliya oo xukunka uu yahay xaafaddaa uu joogo sax ma noqonayso,” ayuu markale yiri Axmed.
Waxaa kale oo uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu talada dhexda soo dhigo, uuna dib umba qaado wada-hadallada xalka looga gaarayo hannaanka doorashooyinka, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda.
“Maanta dolwaddda xilligeeda dhammaaday iyo Xasan Sheekh oo term-kii labaad maraya oo nin da’ah waxaad moodaa in wixii oo dhan uu iska indha tiray, uuna ka shaqeynayonwax taariikhda bog madow kaga tagi doono, waxaan oran lahaa war Xasanow dib u xasuuso Soomaaliya meesha ay soo martay iyo xaaladda maanta meesha ay taagan tahay,” ayuu sii raaciyey Madaxweynaha Jubbaland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa waxaa weli ka dhexeeya khilaaf xoogan oo daba dheeraaday, kaas oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac, kadib markii uu meesha ka baxay xiriirkii Muqdisho iyo Kismaayo.
