Tel Aviv (Adduun.com) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Israa’iil, halkaas oo si heer sare ah loogu qaabilay.
Safarkan oo Madaxtooyada Somaliland ku tilmaamtay mid taariikhi ah ayaa muujinaya in weli Israa’iil ay sii wado xad-gudubka ka dhanka ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Ciro ayaa soo dhaweyn kadibb kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland.
Booqashadan oo Madaxtooyaddu ku tilmaamtay tii ugu miisaanka cuslayd ee ay Somaliland ka fuliso fagaarayaasha diblomaasiyadda ee heer caalami ayey sheegtay un lagu maamuusay hab-maamuus heer caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen roogga Cas, salaan-sharafta ciidamada iyo tumista heesta astaanta maamulka.
“Waxa ay noqotay markii ugu horraysay ee Calanka iyo Heesta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah uga dhex muuqdaan munaasibad heerkan ah oo ka dhacaysa Qasriga Madaxtooyada Israa’iil,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Labada madaxweyne waxa ay yeesheen wada-hadallo rasmi ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga istiraatijiyadeed iyo danaha wadaagga ah ee Somaliland iyo Israa’iil.”
Madaxweyne Cirro iyo Isaac Herzog ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay uga go’an tahay dhisidda iskaashi ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag, nabad, xasillooni iyo horumar waara
Munaasibadda kadib, labada mas’uul ayaa si wadajir ah saxaafadda u jeediyey war-murtiyeed ay ku muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xoojinta xiriirka labada dhinac.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Israa’iil ayaa Cirro iyo wefdigiisa ku maamuusay qado-sharaf oo ka dhacday qasriga madaxtooyada Israa’iil, taas oo lagu muujiyey qaddarinta gaarka ah ee loo hayo booqashada hoggaamiyaha Somaliland iyo muhiimadda ay u leedahay xiriirka labada dhinac.
Booqashada madaxweynaha Somaliland ee dalka Israa’iil oo qaadan doonta muddo shan cisho ah ayaa waxa uu maamulka Somaliland ku tilmaamtay mid calaamad u ah marxalad cusub oo muujinaysa dedaallada Somaliland ku ballaarinayso xiriiradeeda caalamiga ah, iyadoo dunida u muujinaysa doorkeeda sii xoogaysanaya ee dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, iskaashiga gobolka iyo horumarka.
Si kastaba, safarka Cirro ayaa imanaya xilli maamulka Somaliland uu qorsheynayo inuu safaarad ka furto magaalada Qudus, taas oo ka dhigaysa in qeybo kamid ah Soomaaliya laga aqoonsaday sheegashada Israa’iil ee magaalada barakeysan.







SIRDOON & QISO
Sheekada QODAX & Dhega-yare | Xasuus qorka Yaxye S-waar
