Hargeysa (Adduun.com) – Israel ayaa saldhig sirdoon ka sameysatay Somaliland, sida ay sheegtay warbaahinta Drop Site News ee Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil Soomaali ah, kuwa ka tirsan maamulka Somaliland iyo kuwo amni oo gobolka la socda.
Warbixinta ayaa sheekada ka saareysa heerkii hore ee ahaa in Israel ay kaliya dooneyso saldhig militari oo ay ka hesho Berbera, waxayna ku doodeysaa in dhaq-dhaqaaq sirdoon oo Israel leedahay uu durba ka billowday gudaha Somaliland.
Drop Site News ayaa sheegtay in dhowr sarkaal oo hadda xilal haya iyo kuwo hore, oo ay ku jiraan saraakiil Soomaali ah, sarkaal hore oo amni, sarkaal amni oo Yurub ah iyo sarkaal ka tirsan Somaliland, ay u xaqiijiyeen in Israel ay joogitaan sirdoon ku leedahay garoonka diyaaradaha Berbera.
Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa diiday inay Drop Site News faahfaahin ka siiso warbixinta.
Sarkaal ka tirsan Somaliland oo ku dhow madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa Drop Site News u sheegay in Israel ay wada-hadalladii Hargeysa la yeelatay ku soo qaaday walaaceeda amni ee ay ka qabto Badda Cas iyo dhaqaaqa Xuutiyiinta.
“Arrintaas aad bay muhiim ugu ahayd,” ayuu yiri sarkaal kale oo Somaliland ka tirsan oo la hadlay warbaahintaas.
Drop Site News ayaa sidoo kale sheegtay in cutub ka tirsan ilaalada madaxtooyada Somaliland uu tababar uga soo laabtay Israel, isla markaana saraakiil sirdoon ay iyaguna tababar heleen. Sarkaal Soomaali ah ayaa sidoo kale warbaahintaas u sheegay in koox kale oo ka tirsan ciidamada badda Somaliland loo diray Kenya.
Adduun.com si madax-bannaan uma xaqiijin karto sheegashooyinkan.
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid xiriirka Israel iyo Somaliland, waxayna sheegtay in dhaqdhaqaaq kasta oo militari ama sirdoon oo Israel ka sameyso Somaliland uu xadgudub ku yahay madax-bannaanida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Dawan 12-kii June ku sheegay in Israel dhowr jeer la soo xiriirtay dowladda Soomaaliya si loo furo xiriir diblomaasiyadeed, balse Muqdisho ay diiday.
Isagoo ka hadlayay xiriirka Somaliland iyo Israel, ayuu madaxweynuhu ka digay in “dhibaato weyn ay ka iman doonto”, wuxuuna intaas ku daray in “calaamado horeba muuqdaan”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin saldhig Israel ay ka sameysato Somaliland, isla markaana ay ka hortegi doonto tallaabo noocaas ah.
Sarkaal sare oo Soomaali ah ayaa Drop Site News u sheegay in Muqdisho ay si dhow ula socoto faragelinta Israel.
“Waxaan si dhow ula soconnaa faragelinta Israel, taas oo aan u adeegayn Somaliland ama amniga gobolka. Waxay kaliya hormarinaysaa danahooda, iyadoo qof walba kale uu khasaarayo,” ayuu yiri sarkaalkaas.
Israel ayaa bishii December noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland, tallaabadaas oo caro xooggan ka dhalisay Soomaaliya iyo dalal badan oo gobolka ah.
Somaliland, xiriirka Israel wuxuu u yahay fursad ay ku hesho aqoonsi ay raadineysay in ka badan 30 sano. Israel-na waxay ka arkaysaa Somaliland goob istiraatiiji ah oo u dhow Yemen, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xilli Xuutiyiintu ay Badda Cas ka dhigeen mid ka mid ah marinnada ugu khatarta badan caalamka.
“Hargeysa waxay raadinaysay cid kasta oo beddeli karta xisaabta diblomaasiyadda,” ayuu Jethro Norman, oo ah khabiir ku takhasusay Geeska Afrika kana tirsan machadka Danish Institute for International Studies, u sheegay Drop Site News.
“Somaliland waxay halis u gelaysaa kalsoonidii ay ku lahayd dunida Muslimka, si ay u hesho aqoonsi uusan weli siin dal kale oo xubin ka ah Qaramada Midoobay,” ayuu yiri.
Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa farriimo kala duwan ka bixiyay suurta-galnimada in Israel ay saldhig militari ka hesho Berbera.
Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa markii hore beenisay qorshe noocaas ah, balse sarkaal kale oo Somaliland ka tirsan ayaa markii dambe Channel 12 ee Israel u sheegay in arrintaas laga wada hadlayo.
Jaamac Cabdullaahi Cigaal Gabuush, oo ah la-taliyaha arrimaha dibadda ee madaxweynaha Somaliland, ayaa Channel 14 ee Israel u sheegay in iskaashi amni uu durba billowday, wuxuuna ku tilmaamay mid “aad muhiim u ah”.
“Laakiin ma aha wax si weyn loo buunbuuninayo. Wuu jiraa, waana iskaashi ku dhisan dan wadaag,” ayuu yiri.
Xiriirka sii xoogeysanaya ee Somaliland iyo Israel ayaa sidoo kale walaac ka abuuray gudaha Somaliland, halkaas oo qaar ka mid ah dadka wax dhaliila ay sheegayaan in raadinta aqoonsigu aysan noqon mid Somaliland ku garab istaagto Israel xilli uu socdo dagaalka Gaza.
Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil, oo ka mid ah culimada ugu caansan Somaliland, ayaa hore u sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay raadiso aqoonsi, balse aysan raadintaas noqon mid lagu taageerayo Israel.
“Inaad ka cararto dulmiga ku haysta,” ayuu yiri, “ma aha inay kugu hoggaamiso inaad taageerto daalimka ugu weyn ee maanta dilaya dad Muslimiin ah.”
SIRDOON & QISO
Sheekada QODAX & Dhega-yare | Xasuus qorka Yaxye S-waar
