Muqdisho (Adduun.com) – Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay kulan xasaasi ah oo diiradda lagu saaray xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan isbeddelkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhaba ee meesha looga saaray maamulkii Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Kulanka ayaa wuxuu u dhex-maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaas oo jawi deggan kusoo idlaaday.
Sida ay ogaatay Adduun.com, kulankan waxaa dhanka siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ka qeyb-galay, wasiirada Xasan Xuseen Eelaay, Saadaad Maxamed Nuur Caliyoow iyo Danjire Ilyaas Cali Xasan, halka ay ka maqnaayeen wasiir Roobow, Lataliye Xuseen Sheekh Maxamuud iyo xubnaha kale ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa inoo sheegay in kulanka lagu go’aamiyay cidda noqoneysa musharraxa Koonfur Galbeed, waxaana loo gartay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo JSP ku meteli doono doorashada maamulkaas oo la filayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Go’aankan ayaa dhalin kara dood ka imaata dhinaca kaadiriinta kale ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, taas oo sababi karta kala jab ku yimaado Xisbiga, maadaama ay maalmahan socdeen loolan ku aadan Koonfur Galbeed.
Vila Somalia oo iyadu isbeddelka ka dhalisay Baydhaba ayaa dadaalka ugu xoogan gelineysa dhismaha maamul cusub, iyadoo toos u faragelisay Koonfur Galbeed, una magacowgay hoggaamiye KMG ah oo howsha sii wada.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyso arrinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Si kastaba, xiisadahan iska soo horjeedo ayaa uga sii daraya xaaladda dalka, maadaama uu taagan yahay jahwareer guud oo ka taaan doorashooyinka soo socda iyo wax ka beddelka dastuurka oo ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.
