Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Puntland oo ku dhawaaqday in kadib 15-ka bisha May ay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Puntland oo ku dhawaaqday in kadib 15-ka bisha May ay…


Garoowe (Adduun.com) – Maamulka Puntland oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa si cad u sheegay in aysan aqbaleyn in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka sii hayo wixii ka dambeeya 15-ka May 2026.

Muddo-xileedka Madaxweynaha oo ku eg taariikhdaas ayay Puntland dooneysaa in isla markiiba la qabto doorasho wadar ogol lagu yahay, sida uu shaaciyay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland, Bile Qabowsade.

“Soomaali waxa keliya ee ku wada jiri kartaa waa in la ilaaliyo nidaamka federaalka iyo doorasho lagu yahay heshiis oo la isla aqbalo,” ayuu yiri Wasiir Qabowsade.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Dowladda Puntland ma aqbalayso muddo-dhaaf iyo in dalka uu galo firaaq dastuuri ah, tallaabooyinna way qaadi doontaa.”

Hoggaanka Puntland oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulka Jubaland ayaa si adag uga soo horjeeda dastuurka cusub ee uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo Talaadadii si rasmi ah uga soo idlaaday muddo-xileedkii afarta sano ee la doortay.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysanaysa dastuurka cusub ee dhawaan meel-marsaday, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, taas oo mucaaradku ku fasireen muddo-kororsi sharci-darro ah oo aysan marnaba aqbali doonin.

Golaha Mustaqbalka ayaa haatan ka shaqeynaya sidii ay beesha caalamka ugu qancin lahaayeen in dalka uu u baahan yahay hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Si kastaba, mucaaradka oo horey ugu ballansanaa shirweyne ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka iyo mustaqbalka doorashooyinka, isla markaana ku goodinayay inay bilaabaan doorashooyin dadban ayaa haatan u muuqda kuwo dardartoodii hoos u dhacday.

Sidoo kale, dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo cusub ayaa la rumeysan yahay inay qorsheynayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaabulka kacdoonno laga bilaabo magaalada Muqdisho, ka hor inta aysan u wareegin shir ay ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo toddobaadyada soo socda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard