Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaaada Muqdisho, kadib markii dowladda Soomaaliya ay tallaabo milatari u qaaday dhanka Galmudug.
Qoor Qoor oo kasoo laabtay safarro uu ku kala bixiyay dalalka Sacuudiga iyo Turkiga ayaa soo dhaweyn loo sameeyay, waxaana la filayaa in wada-hadallo uu la yeesho madaxda dowladda, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in kulmadan diiradda lagu saari doono waxyaabaha soo kordhay, maadaama ay isbeddelo dhaceen intii uu Qoor Qoor ku maqnaa dalka dibaddiisa, isla markaana meesha laga saaray madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay dagaal ku qaaday dowladda dhexe.
Sidoo kale, waxaa dhawaan lagu wadaa in doorasho dadweyne ay ka dhacdo deegaannada Galmudug, sida ay xaqiijiyeen guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan iyo madaxweye ku xigeenka maamulkaasi, waxaana haatan socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashooyinkaas.
Waxaa kale oo jirta in sanaadiiqda doorashada la geeyay koonfurta Gaalkacyo iyo deegaanno kale oo kamid ah gobollada dhexe, waxaana ujeedka uu yahay in la hirgeliyo qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorasho qof iyo cod ah.
Imaashaha Qoor Qoor ee Muqdisho ayaa kusoo aadayo, iyadoo Sabtidii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ay saanad ciidan ka dejisay Dhuusamareeb, sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah, waxaana hubkaas la sheegay in loogu talagalay ciidamo cusub oo dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyey duleedka magaalada.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamadan ay gaarayaan ku dhowaad 1,000 askari, kuwaas oo loo diyaarinayo inay xoojiyaan amniga iyo howl-gallada ka socda deegaannada maamul-goboleedka Galmudug. Dhaqdhaqaaqan cusub wuxuu kusoo beegmayaa xilli Muqdisho ay dardar gelinayso qorsheyaal amni iyo kuwo siyaasadeed oo si isku mar ah uga socda maamulkaas.
Labada qorshe ee dowladda ayaa ah; in ciidamadan ay xoojiyaan amniga doorashooyinka qof iyo cod, iyo in la ballaariyo dagaalka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo laga saaro meelaha yar ee ay uga harsan yihiin deegaanada Galmaudug.
Si kastaba, Saanadda maanta la geeyey Dhuusamareeb waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Soomaaliya ay haysato awood sharciyeed oo ka ballaaran tii hore ee dhinaca hubka, kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu bishii Diseembar 2023 qaaday cunaqabateyntii guud ee hubka ee saarnayd dowladda Soomaaliya, inkasta oo xayiraadaha la xiriira Al-Shabaab ay weli jiraan. Taas ayaa dowladda siisay fursad weyn oo ay ku xoojin karto qalabaynta ciidamadeeda rasmiga ah.
