News
Kheyre oo luuqad adag kula hadlay Xasan kadib dhacdadii maanta, kana dalbaday in degdeg…
-
-
by
Sacdio
Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka taagan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, isagoo baaq degdeg ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Xiisaddan culus oo isku rogtay gacan ka hadal ayaa u dhexeysa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, taas oo salka ku haysa barakicinta dhul ku yaalla degmadaasi, iyadoo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo u badan dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Dadka deegaanka ayaa diidan inay ka guuraan dhulkaasi, halka ciidamada dowladda ay bilaabeen inay awood u adeegsadaan, taas oo keentay isku dhaca labada dhinac.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa si adag u cambaareeyay arrintan, isagoo ku eedeeyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh inay duullaan, dhul-boob, gumaad, jirdil iyo afduub ku hayso shacabka ku nool degmada Dayniile.
“Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ee waqtigeedu sii idlaanayo, ay u xuubsiibatay burcadnimo oo ku hawlan barakicinta dadweynaha iyo boobka dhul ay shacabku ku milkiyeen si sharci ah, ayna ciidankii qaranka u adeegsanayso dhaca, barakicinta iyo afduubka shacabka,” ayuu yiri Kheyre.
Sidoo kale, wuxuu uga digay ciidanka kala duwan ee qaranka in “ay ka sii qeyb qaataan gumaadka iyo barakicinta dadweynaha.”
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo odayaal dhaqan oo uu sheegay in laga afduubay degmada Dayniile, ayna dowladda ka joogsato boobka dhulka shacabka iyo gumaadka dadka birimageydada ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay meelo badan oo ka mid ah caasimadda ka sameysay burburin, iyadoo cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.
