Muqdisho (Adduun.com) – Xaaladda Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa haatan kacsan, iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka taagneyd xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, taas oo salka ku hayso barakicinta dhul ku yaalla degmadaasi.
Xiisadda oo saameynteeda si weyn looga dareemay Dayniile ayaa ka taagan aagga xaafadda Warlaliska halkaas oo ay isku fara-saareen ciidamada iyo dadka deegaanka oo toos u dagaalamay.
Gacan ka hadalka ayaa sababay khasaare kala duwan oo u dhaawac u badan iyo burbur hantiyeed, iyadoo sidoo kale ay waxyeeello gaartay ciidamada.
Dadka deegaanka ayaa diidan inay ka guuraan dhulkaasi, halka ciidamada dowladda ay bilaabeen inay awood u adeegsadaan, taas oo keentay isku dhaca labada dhinac.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan xiisaddan oo u muuqato mid kasii dareyso.
Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ay wadaan dadka deegaanka oo adeegsanayo dhagaxyo iyo waxyaabaha kale ee ay heli karaan, si ay uga hortaan ciidamada ammaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa meelo badan oo kamid ah caasimada waxay ka sameysay burburin iyadoo maalmihii u dambeeyay cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.
