Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support DF Soomaaliya oo diiday safiirka ay Israa’iil u magacowday Somaliland - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

DF Soomaaliya oo diiday safiirka ay Israa’iil u magacowday Somaliland


Muqdisho (Caasimda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan culus soo saartay ayaa ka hortimid xadgudubkii ugu dambeeyay ee ay Israa’iil kula kacday madaxbanaanida Soomaaliya, kadib markii ay safiir cusub u magacowday maamulka Somaliland.

Dowladda Federaalka ayaa diiday safiirka ay soo magacowday Israa’iil waxayna sheegtay tallaabadan ay wax u dhimeyso madaxbanaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaas ku dartay in ay ka hor imaaneyso sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Soomaaliya ayaa sidoo kale diiday isku day kasta oo aqoonsi lagu siinayo qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda oo ka baxsan awoodda Dowladda Federaalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday Tallaabo Israa’iil Ku Wajahan oo Wax u Dhimaysa Madax -bannaanideeda iyo Midnimadeeda Dhuleed ee  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ee ku saabsan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo diraayo gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Tallaabadan waxay si toos ah u jebinaysaa madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay si cad uga hor imaanaysaa sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, kuwaas oo si aan mugdi lahayn u aqoonsan Soomaaliya inay tahay hal dal oo madax-bannaan, midaysan, oo aan la kala qaybin karin gudaha xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u diiddan tahay isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda oo ka baxsan awoodda Dowladda Federaalka.

Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qorshe kasta oo lagu muujinayo inay tahay maamul gaar ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya ma laha wax sal sharci ah, wuxuuna wiiqayaa is-afgaradka caalamiga ah ee jira.

Xilli ay Soomaaliya si dhow ula shaqaynayso saaxiibadeeda caalamiga ah si ay u xoojiso hay’adaha dowladeed, u ballaariso dimuqraadiyadda, u horumariso dib-uheshiisiinta qaran, isla markaana ula dagaallanto argagixisada, tallaabooyinka noocan ah waxay halis gelinayaan horumarka gobolka waxayna dhiirrigelinayaan fikrado kala qaybin ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Dowladda Israa’iil inay dib u eegto oo ay ka noqoto go’aankan, isla markaana si buuxda u ixtiraamto madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub, iyo guud ahaan beesha caalamka inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, kana hortagaan tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada Soomaaliya ama sharciyeynaysa sheegashooyinka gooni-goosadka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ku adkaysanaysaa go’aankeeda ah ilaalinta midnimadeeda qaran iyo xuquuqdeeda madax bannaan iyadoo adeegsanaysa dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo sharci ee la jaanqaadaya sharciga caalamiga ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard