Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay DF Soomaaliya - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay DF Soomaaliya


Hargeysa (Adduun.com) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Barkhad Batuun oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimada ah ee Hargeysa ayaa ka hadlay xiriirka sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya Israa’iil, isaga oo dhanka kale si kulul ugu jawaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Barkhad Batuun ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in Somaliland iyo dadkeeda ay soo dhaweynayaan safiirka cusub ee ay Israa’iil u magacowday Hargeysa, Danjire Michael Lotem, kaas oo ay diiday Dowladda Soomaaliya.

“Waxaan ka xukuumad ahaan si milgo iyo maamuus leh usoo dhaweyneynaa safiirka dowladda Israa’iil ee dalka Jamhuuriyadda Somalinad usoo magacowday Amb. Michael Lotem waxaanu kusoo dhaweyneynaa dal madaxbanaanadiisu 35 jisaday iyo shacab adkeysi sameeyay” ayuu yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Waa guul labaad oo ku suntan quluubta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland tani waa taariikh ay leeyihiin kuwii xabaalaha u galay jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, tani waa taariikh ay leeyihiin muwaadiniinta Somaliland ee qurbaha iyo gudaha jooga”.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa jawaab kulul siiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan waxba ka beddeli karin xiriirka u bilaabmay Somaliland iyo Israa’iil.

“Tani waa taariikh ayna wax ka beddeli karaynin Xasan Sheekh iyo xayntiisa Xamar joogta ee muddo xileedkoodu dhammaaday”. ayaa raaciyay Barkhad.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dhawaan dalal kale oo waa wayn ay aqoonsan doonaan Somaliand ayna wadada kusoo jiraan, sida uu hadalka u dhigay.

Jawaabta Somaliland ayaa kusoo aadeyso, iyadoo saaka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay cambaareysay tallaabada Israa’iil, iyadoo xagdubub madaxbanaanida ah ku tilmaamtay safiirka ay u magacowday Hargeysa.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard