Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Wasiirka caafimaadka oo la kulmay odayaasha iyo waxgaradka Gaaljecel - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Wasiirka caafimaadka oo la kulmay odayaasha iyo waxgaradka Gaaljecel


Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ahna hormuudka siyaasiyiinta beesha Gaaljecel, ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada iyo indheer-garadka beesha ee deggan Xamar.

Kulanka, oo uu wasiirka ku weheliyay Xildhibaan Cali Xasan Ibraahim, ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsi ku saabsan xaaladda guud ee dalka, dowlad-dhiska, iyo doorka ay beeshu ka qaadan karto horumarka iyo xasilloonida.

Wasiirka ayaa si gaar ah beesha Gaaljecel ugu boorriyay inay si firfircoon uga qayb qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadda, gaar ahaan hirgelinta doorashada qof iyo codka ah ee heer dowlad-goboleed iyo heer federaal, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka shacabka ee go’aaminta mustaqbalka dalka.

Sidoo kale, wuxuu dhiirrigeliyay dhallinyarada inay hormuud u noqdaan wacyigelinta bulshada, isla markaana la dardargeliyo ololaha doorashooyinka ee deegaannada.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard