Hargeysa (Adduun.com) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay diidmada ay kala kulantay Danjiraha ay Israa’iil usoo magacowday magaalada Hargeysa, iyada oo sheegtay in dalalka ka horyimid tallaabadaas aysan wax u dhimeyn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Tel Aviv.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumada Madaxweyne Cirro ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbanaan, isla markaana aysan qeyb ka ahayn Soomaaliya.
Israa’iil ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in diblomaasiga lagu magacaabo Michael Lotem uu noqon doono safiirkeedii ugu horreeyay ee maamulka Somaliland, balse ah mid aan halkaasi fadhiisan dooni (non-resident ambassador), waxayna taas keentay in dowlado waa wayn ay ka horyimaadaan tallaabada Israa’iil.
Tallaabadan waxaa ka horreysay in bishii Febraayo ee sanadkan, Israa’iil ay dhankeeda si rasmi ah u guddoontay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u magacawday Tel Aviv, Maxamed Xaaji, taas oo calaamad u ahayd in magacaabis laba-geesood ah ay xigi doonto.
Jawaabta Somaliland ayaa timid saacado uun kadib warsaxaafadeed ay goor sii horreysay soo saareen wasiirrada arrimaha Dibadda ee 17 dal ay ku xaqiijiyeen in go’aanka Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada iyo nabadgelyada dhulka Soomaaliya.
Dalalka soo saaray bayaanka ayaa kala ah; Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qadar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkey, Indonesia, Pakistan, Kuweyt, Mauritania, Urdun, Cumaan, iyo Yemen, waxayna si buuxda u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqaysa midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha.
Waxaa kale oo ay muujiyeen taageeradooda adag ee aan ruxmin ee ay la garab taagan yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale bogaadiyeen hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwa keliya ee matala, kana turjuma rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.

