Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Iran oo ka fiirsaneysa wada-hadallo cusub oo Mareykanka la yeelato iyo Trump oo… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Iran oo ka fiirsaneysa wada-hadallo cusub oo Mareykanka la yeelato iyo Trump oo…


Washington (Adduun.com) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in wafdi wada-xaajood ah ay Isniinta u safri doonaan dalka Pakistan, si ay wada-hadallo ula yeeshaan Iiraan.

Arrintan ayaa soo noolaysay rajada laga qabo in la kordhiyo xabbad-joojinta ku eg dhammaadka usbuucan, inkastoo Washington iyo Tehran ay weli isku mari la’yihiin xiisadda ka taagan Marinka Hormuz.

Rajada laga qabo wada-hadallada soo socda oo aysan Iiraan weli si rasmi ah u xaqiijin, ayaa kusoo beegmaysa xilli maraakiibta aysan weli awoodin inay isticmaalaan marinkan muhiimka ah. Taas ayaa timid sababo la xiriira hanjabaado ka imanaya dhanka Iiraan iyo go’doomin uu Mareykanku saaray maraakiibta ku wajahan ama ka imanaysa dekedaha Iiraan.

Inkastoo mas’uuliyiinta Iiraan ay sheegeen inay diyaar u yihiin wada-hadal, haddana waxay si adag u caddeeyeen inaanay jiri doonin maraakiib mara marinkaas inta ay jirto go’doominta Mareykanka.

“Waa wax aan suurtagal ahayn in kuwa kale ay maraan Marinka Hormuz xilli annagu aanan marin karin,” ayuu yiri afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Mohammed Bagher Qalibaf, isagoo u warramayay telefishinka qaranka dalkaas habeenkii Sabtida.

Qoraal uu ku shaacinayay safarka rasmiga ah ee wareegga labaad ee wada-hadallada ayuu Trump ku eedeeyay Iiraan inay jabisay xabbad-joojinta markii ay rasaas ku furtay maraakiib mareysay marinka, wuxuuna ku hanjabay inuu burburin doono kaabayaasha rayidka ee Iiraan haddii aysan aqbalin heshiiska uu Mareykanku miiska soo saaray.

“Haddii aysan yeelin, Mareykanku wuxuu dhulka la simi doonaa xarun kasta oo koronto iyo buundo kasta oo ku taal Iiraan,” ayuu qoray Trump.

Madaxweynaha ma uusan bixin faah-faahin ku saabsan mas’uuliyiinta uu Mareykanku u diri doono wareegga labaad ee wada-hadallada fool-ka-foolka ah ee ka dhacaya caasimadda Islamabad.

Aqalka Cad iyo xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance oo hoggaaminayay wareeggii koowaad ee wada-hadallada, ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo loo diray subaxnimadii Axadda.

Weli ma cadda in labada dhinac ay wax ka beddeleen mowqifyadooda ku aaddan arrimaha xasaasiga ah ee fashiliyay wareeggii hore ee wada-hadallada, kuwaas oo ay ka mid yihiin barnaamijka kobcinta nukliyeerka Iiraan, kooxaha gacan-saarka la leh ee gobolka, iyo maamulka Marinka Hormuz.

Qalibaf oo ah madaxa wada-xaajoodka Iiraan ee wada-hadallada Mareykanka ayaa intii uusan Trump soo saarin hadalladiisa dambe sheegay in Iiraan ay weli raadinayso nabad, inkastoo ay jirto go’doomin iyo kalsooni darro qoto dheer oo ay ku qabaan Washington.

“Dib-u-gurasho kama jiri doonto fagaaraha diblomaasiyadda,” ayuu yiri, isagoo qiray in farqiga u dhexeeya labada dhinac uu weli aad u weyn yahay.

Iiraan ayaa horey ugu dhawaaqday dib-u-furista marinka kadib markii ay hirgashay xabbad-joojin 10 maalmood ah oo u dhexeysa Israa’iil iyo kooxda hubeysan ee Xisbullaahi, oo ay Iiraan taageerto, fadhigeeduna yahay Lubnaan.

Balse kadib markii Trump uu sheegay in go’doominta Mareykanka ee dekedaha Iiraan “ay ahaan doonto mid si buuxda u dhaqangasha” ilaa Tehran ay heshiis la gaarto Mareykanka, Iiraan waxay sheegtay inay sii wadi doonto dhaqangelinta xayiraadaheeda marinka.

Kadib isku-dayo kooban oo la doonayay in lagu maro marinka maalintii Sabtida, maraakiibta ku sugan Gacanka Faaris ayaa hakiyay dhaqdhaqaaqooda, iyagoo taxaddar muujinaya kadib markii labo markab oo sida calanka Hindiya rasaas lagu furay xilli ay dhex marayeen marinka, laguna qasbay inay dib u laabtaan.

Dib u laabashadooda ayaa marinka oo qiyaastii shan meelood meel (1/5) ganacsiga shidaalka adduunka uu maro ku celisay xaaladdii uu ku sugnaa ka hor xabbad-joojinta, taas oo halis ku ah inay sii xumayso dhibaatada tamarta adduunka, dhinacyadana ku riixdo in dib loogu noqdo dagaalka xilli uu galay usbuucii siddeedaad.

Iyadoo ay maalmo yar ka harsan yihiin waqtiga xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iiraan, Iiraan ayaa Sabtidii sheegtay inay heshay soo-jeedinno cusub oo kaga yimid Mareykanka, ayna dhex-dhexaadiyayaal reer Pakistan ah ku hawlan yihiin qabanqaabada wareeg kale oo wada-hadallo toos ah maalmaha soo socda.

Maamulka Pakistan ayaa bilaabay inay adkeeyaan amniga caasimadda Islamabad. Sarkaal deegaanka ah oo ku lug leh dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa sheegay in dhex-dhexaadiyayaashu ay gaba-gabo marinayaan qabanqaabada, isla markaana kooxaha horudhaca amniga Mareykanka ay durba ku sugan yihiin goobta.

Sarkaalkan ayaa dalbaday inaan magaciisa la shaacin, maadaama uusan fasax u haysan inuu warbaahinta kala hadlo diyaar-garowga.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, xiritaanka marinka oo la soo rogay kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen dagaalka Iiraan 28-kii Febraayo, xilli ay socdeen wada-hadallada barnaamijka nukliyeerka Tehran ayaa laga yaabaa inuu yahay hubkeeda ugu awoodda badan, kaas oo khatar ku ah dhaqaalaha adduunka, dhaawac siyaasadeedna gaarsiinaya Trump.

Dhinaca Mareykanka, go’doominta ayaa ciriirineysa dhaqaalaha Iiraan oo markii horeba liitay, waxayna cadaadis saareysaa dowladda iyadoo ka jaraysa dhaqaalihii muddada dheer soo geli jiray.

Inkastoo xabbad-joojintu ay sii jirtay, xiisadda ka taagan marinka ayaa halis ku ah inay gobolka ku celiso dagaal galaaftay nolosha ugu yaraan 3,000 oo qof oo ku sugan Iiraan, in ka badan 2,290 oo ku dhintay Lubnaan, 23 ku dhintay Israa’iil, iyo in ka badan toban qof oo ku dhintay dalalka Khaliijka Carabta.

Waxaa sidoo kale la dilay 15 askari oo Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa Lubnaan iyo 13 xubnood oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ku sugnaa gobolka oo dhan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard