Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Soomaaliya oo raadinaysa taageero dhaqaale kadib xaalad soo korortay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Soomaaliya oo raadinaysa taageero dhaqaale kadib xaalad soo korortay


Washington (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbanaysa taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo ka timaadda saaxiibada caalamiga ah, si wax looga qabto culaysyada dhaqaale ee ka dhashay abaaraha soo noq-noqday iyo saameynta colaadaha ka taagan Bariga Dhexe.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in arrintan ay ku soo bandhigeen kulammo ay mas’uuliyiin Soomaali ah kula yeesheen magaalada Washington hay’adaha Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

Kulamadan ayaa qayb ka ahaa shirarka gu’ga ee hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, halkaas oo diiradda lagu saaray xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya iyo mudnaanta u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

“Waxaan diiradda saarnay saameynta abaaraha iyo culaysyada dhaqaale ee ka dhashay colaadaha Bariga Dhexe,” ayuu yiri Wasiir Biixi, isaga oo tilmaamay in arrimahan ay si toos ah u saameeyeen dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay abaaro soo noq-noqday, kuwaas oo si weyn u saameeyay nolosha malaayiin qof, isla markaana kordhiyay baahiyaha bani’aadantinimo ee dalka.

Dhibaatooyinkan ayaa waxaa sii xoojiyay cadaadisyo dhaqaale oo caalami ah, oo ay ka mid yihiin sicir-bararka iyo saameynta isbeddellada suuqyada caalamiga ah.

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso kordhinta maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo barnaamijyada taageerada bulshada. “Waxaan la shaqaynaynaa saaxiibada caalamiga ah si loo helo dhaqaale lagu taageero bulshooyinka nugul, gaar ahaan dhinacyada sugnaanta cuntada iyo adeegyada aasaasiga ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Doodaha lala yeeshay Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dadweynaha, iyadoo la xoojinayo hufnaanta iyo kordhinta dakhliga gudaha.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay in hay’adahaasi ay qireen horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, isagoo xusay in wada-hadallo ay la yeesheen dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Norway iyo Sacuudiga ay diiradda saareen xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo taageerada Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa weli si weyn ugu tiirsan taageerada beesha caalamka, iyadoo wajahaysa caqabado isbiirsaday oo ka imanaya isbeddelka cimilada iyo cadaadisyo dhaqaale oo sii kordhaya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard