Muqdisho (Adduun.com) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo habeen hore ka dhacday degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kadib markii nin maseersan uu dilay xaaskiisii hore.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in eedeysanaha uu dilka u adeegsaday mindi, isla markaana uu marxuumadda ugu tegay guri ay daganeyd, kadibna uu tooreyda ku dhuftay 33 mar.
“32 mindi ayuu gelshay wayna dhimatay Alle ha u naxariisto marxuumadda” ayuu yir wiil daris la ahaa gabadha la dilay.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Dilka waxaa keenay Maseer waayay ninkan gabadha waa furay haddane daris ayay ahaayeen oo marar ayuu casho usoo doonan jiray”.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu baxsaday eedeysanaha, isla markaana kiiskan ku wareejiyeen C.I.D-da oo wada baaritaanno dheeraad ah.
“Maydka C.I.D ayaa gaynay waxaan marsiinay isbitaal Madiina, kadib qaraabadii ayaa la wacay sidaasna ayaana lagu aasay” ayuu mar kale yiri.
Si kastaba ha’ahaatee, eedeysanaha oo baxsad ah ayaa waxaa ku raad joogo laamaha amniga, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaabo adag.
Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhashay muranada qoyska ee u badan maseeka ayaa indhowaanahan kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah dalka.
