Muqdisho (Adduun.com) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa maanta howlgal culus ka fuliyay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, isla markaana khasaare culus la gaarsiiyay.
Sida lagu caddeeyay bayaanka waxaa goobta lagu dilay ugu yaraan illaa 14 dhagarqabe, isla markaana uu howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.
“Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ka fuliyay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab. Intii uu socday howlgalka, waxaa lagu dilay 14 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kal, Ciidanka ayaa inta uu socday howlgalka burburiyay kayd hub, walxaha qarxa iyo agab kale oo Shabaab u adeegsan jirtay diyaarinta iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalkan lagu naafeeyay argagixisada uu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in dalka oo dhan looga xoreeyo, isla markaana uu sii socon doono.
“Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ugu jiraan ciribtirka Khawaarijta, kuwaas oo ku caan baxay cabburinta shacabka, dhaca hantidooda iyo falalka amni-darrada ah ee ay ka geystaan deegaannada dalka,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Waxaa kale oo lagu sii daray “Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an sii wadidda howlgalada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo nabadda dalka”.
Si kastaba, Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa xoojiyay howlgalllada lagu beegsanayo Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

SIRDOON & QISO
Sheekada QODAX & Dhega-yare | Xasuus qorka Yaxye S-waar
