Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Sheekh Cali Wajiis oo ka cabanaya dhul boob iyo falcelin ka dhalatay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Sheekh Cali Wajiis oo ka cabanaya dhul boob iyo falcelin ka dhalatay


Muqdisho (Adduun.com) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed oo qoraal soo saaray ayaa sheegaya inuu ka cabanayo dhul boob, isaga oo qayo dhaan u diray madaxda dowladda Soomaaliya.

Sheekha oo si weyn u difaaci jiray Dowladda Federaalka, kuna taageeri jiray howlaha burburinta ee dhulalka danta guud ayaa hadda waxaa gaartay cagafta, isaga oo markiisii bilaabay inuu ka cawdo dhul boob lagu hayo.

Qoraalka uu soo saaray ayuu ku sheegay in la boobayo dhulka Goofka Reer Ow Maxaad oo ku yaalla Daarusalaam, dhulkaas oo uu tilmaamay in la sharciyeeyay 1988, isla markaana ay boobayaan shaqsiyaad huwan magaca dowladda.

Cali Wajii ayaa ka digay  boobka dhulkaasi, wuxuuna dhinacyda doonaya ugu baaqay in Alle ka cabsadaan dhulkaas oo ay leeyihiin dad shacab ah.

“Ogeysiis muhiim ah. Dhulka Goofka Reer Ow Maxaad ee deriska la ah Jaamacadda Mugdisho Daarusalam ee Noolaoostada loo soo qaatay waa dhul shacab leeyahay oo la sharciyeeyay 1988 bishii Marso sidaas darteed dadka siyaasiyiinta, ganacsatada iyo gobolka Banaadir Ilaahey ha uga baqaano xoolaha dadka shacabkaana yaan magac aan jirin lagu boobin waa ceeb adduunyo iyo cadaab aakhiro” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Cali Wajiis.

Dhinaca kale, falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay cabashada kasoo yeertay Sheekh Cali Wajiis oo horay u difaaci jiray dowladda, iyadoo dadweynaha ay siyaabo kala duwan uga hadleen cabashadiisa.

Faarax Biniin: “Aad baan u soo dhaweynayaa in dulmiga si caddaalad ah loo qaybiyo”.

Cabdisalaan Xasan: “La jiifiyaa banaan la joojiyaa banaan may dhihi jireen?”.

Bashiir Cabdidaahir Cabdi: Cagaftii saaka ma qolkii Cali Wajiisbay hor taallaa”.

Cabdi Maxamed: “Shalay xaqdaradii uu dowladda ku taageerayey maanta markay soo gaartay miyuu xanuunka dareemay?”.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan meelo badan oo kamid ah caasimada waxay ka sameysay burburin iyadoo maalmihii u dambeeyay cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard