Muqdisho (Adduun.com) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan-galay go’aankii shalay kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo amar ku bixiyay in la qaato lacagta shillin Soomaaliga oo maalmihii dambe ay ganacsatada magaalada Muqdisho diidayeen.
Muungaab ayaa si toos ah ganacsatada ugu amray in aysan diidi karin isticmaalka shillinka Soomaaliga, isaga oo si cad u sheegay in dambiile loo aqoonsan doono ganacsade kasta oo diida lacagta shillin Soomaaliga.
“Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed u caddeeyay in aysan marnaba suurtagal ahayn in la diido adeegsiga lacagta shillin Soomaaliga, wuxuuna tilmaamay in lacagaha maxalliga ah ay qeyb ka yihiin tiirarka jiritaanka iyo halbowlaha dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee umadda, taas oo ilaalinteedu ay tahay waajib iyo mas’uuliyad dastuuri ah oo damiirkuna na farayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Gobolka Banaadir.
Intaas kadib waxaa maanta si guud caasimada uga dhaqan-galay amarka duqa magaalada Muqdisho, iyadoo dib loo bilaabay isticmaaka kunka shilin.
Hooyo kamid ah ganacsatada Suuq Bacaad oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay maanta ku shaqeynayaan, isla markaana ay qaadanayaan lacagta shilinka Soomaaliga ah, ayna u hoggaansameen amarka soo baxay.
“Shalay maadaama uu yiri guddoomiye Muungaab hala qaato maanta waa bilownay waana qaadanownaa kaashka sababto ah jajab la’aan wax shaqeynaayo ma leh oo qofka wax kaa gato baaqi inaa u celiso ayuu ka rabaa” ayay tiri hooyo kamid ah ganacsatada Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, ganacsade kale oo isna qudaarta iibiya ayaa sheegay inay dhib ku qabeen diidmada shilin Soomaaliga, haddase ay ku farxeen in dib loo bilaabay.
“Kaash waa qaadanayaa labadaan beri waa ku wareernay haddii aan qudaarey nahay aad ayaan ugu baahanahay wax waa gadan waynay, waana soo dhaweyneynaa go’aanka maamulka gobolka” ayuu yiri ganacsade qudaarle ah.
Si kastaba, Go’aanka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa yimid kadib kulan degdeg ah oo shalay uu guddoomiye Muungaab la yeeshay ganacsatada kala duwan ee magaalada Muqdisho, isaga oo ku amray isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga ah, kaas oo haatan dhaqan-galay.
