Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Maxaa ka cusub xaaladda hogaamiyaha sare ee IRAN? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Maxaa ka cusub xaaladda hogaamiyaha sare ee IRAN?


Tehran (Adduun.com) – Hoggaamiyaha cusub ee Iran, Mojtaba Khamenei ayaa la sheegay inuu weli ka kabanayo dhaawacyo culus oo ka soo gaaray weerarkii cirka ahaa ee lagu dilay aabbihii billowgii dagaalka, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Saddex qof oo la sheegay inay si dhow ula xiriiraan saaxiibbadiisa gaarka ah ayaa Reuters u xaqiijiyay in Khamenei uu dhaawacyo halis ah ka soo gaaray wejiga iyo lugaha, kadib markii la weeraray xarunta hoggaamiyaha sare ee bartamaha Tehran.

Ilo-wareedyadan ayaa sidoo kale tilmaamay in wejigiisa uu si weyn isu beddelay, isla markaana uu dhaawac weyn ka soo gaaray mid ama labada lugoodba, inkastoo faahfaahinta saxda ah aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin.

Si kastaba, Khamenei oo 56 jir ah ayaa la sheegay inuu si tartiib ah uga soo kabanayo dhaawacyadiisa, iyadoo maskaxdiisa iyo awooddiisa go’aan-qaadasho ay weli shaqeynayaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu weli ka qeyb qaato shirarka muhiimka ah, isagoo adeegsanaya hab cod ah, isla markaana uu ku lug leeyahay go’aan ka gaarista arrimaha waaweyn sida dagaalka iyo wada-hadallada lala leeyahay Mareykanka.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli Iran ay ku jirto marxalad aad u xasaasi ah, iyadoo ay socdaan wada-hadallo muhiim ah oo nabadeed oo la xiriira Mareykanka, kuwaas oo dhowaan ka furmay magaalada Islamabad.

Tan iyo weerarkii dhacay 28-kii Febraayo iyo magacaabistii 8-dii Maarso, lama arag wax muuqaal, sawir ama cod ah oo si rasmi ah looga baahiyay Khamenei, taas oo sii kordhisay shakiga ku saabsan xaaladdiisa caafimaad iyo awooddiisa hoggaamineed.

Dhanka kale, ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Iran oo ku saabsan heerka dhaawacyadiisa, inkastoo war akhriye ka tirsan telefishinka qaranka uu ku tilmaamay “janbaz,” oo loola jeedo qof dagaal ku dhaawacmay.

Xogaha la helay ayaa sidoo kale la jaanqaadaya hadallo ka soo baxay mas’uuliyiin Mareykan ah, oo ay ku jirto xoghayaha difaaca Pete Hegseth, kaas oo sheegay in Khamenei uu dhaawacmay, gaar ahaan wajiga, halka ilo sirdoon ay xuseen suurtagalnimada in lug ka maqan tahay.

Si kastaba, hoggaamiyaha cusub ayaa la filayaa in muuqaaladiisa ama sawirro ay sii deyso Iran bilaha soo socda, marka ay xaaladdiisa caafimaad iyo midda amni oggolaadaan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard