Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Xasan oo ku faanay awood ciidan, farriin hanjabaad u muuqata u diray maamullada - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Xasan oo ku faanay awood ciidan, farriin hanjabaad u muuqata u diray maamullada


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku faanay awood ciidan oo xooggan, xilli uu maanta ka qeyb-galay xuska 66-aad ee sanad-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin inay howlgal gaar ah ka sameeyaan meel kasta oo ay Dowladda Federaalka rabto oo ka mid ah dalka, taas oo loo fasiray hanjabaad dadban oo loo dirayo maamul-goboleedyada.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan awood militari ku qabsatay magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo haatan uu maamulkaasi ka arrimiyo hoggaamiye ay dowladda u magacowday.

“Dalku ciidan ayuu ka dhismaa, amnigiisana isaga ayaa mas’uul ka ah. Waajibaadkooduna waa inay umadda badbaadiyaan, waana soo guteen aad iyo aad,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas ku daray: “Marka la rabo horumar gaar ah oo degdeg ah in laga sameeyo meelo ka mid ah dowladnimada ama dalka kuwa u taagan waa iyaga. Xooggooda, ciidankooda, gaadiidkooda iyo qalabkooda kuwa la taagan maalin kasta, xitaa marka uusan dagaal jirin waa iyaga.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay naf-hurkooda dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo laga xoreeyay deegaanno muhiim ah, halka ay weli ku howlan yihiin la wareegidda goobo kale oo muhiim ah oo ay kooxdu ku sugan tahay.

“Xarumo badan oo hore oo meelo badan oo dalka ah ku yaalla ayay maanta Ciidanka Xoogga Dalka joogaan, kuwaas oo ay kala wareegeen howlgalka nabad-ilaalinta,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo intaas ku daray in ciidanku dhawaan kala wareegi doonaan ciidamada howlgalka AUSSOM saldhigyada ay weli ku sugan yihiin.

Ugu dambeyntiina, wuxuu u mahadceliyay dowladaha saaxiibka ah ee Soomaaliya ka garab istaagay dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo si gaar ah ugu mahadnaqay dowladda Turkiga.

Hoos ka daawo muuqaalka

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard