Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo ay leeyihiin Taliska Taakuleynta iyo Hoggaanka Isgaarsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhismayaashan ayaa ah kuwo heer sare ah oo ku shaqeynaya nidaamyo casri ah, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-dhiska kaabeyaasha muhiimka u ah maamulka, isku-duwidda iyo taageerada howl-gallada ciidamada.
Madaxweynaha oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismayaasha ayaa xusay in dhismayaashan cusub ay xoojinayaan awoodda ciidanka ee dhinacyada sahayda, isku-xirka howl-gallada, maamulka xogta iyo wada-xiriirka, taas oo muhiim u ah guusha howl-gallada amniga ee dalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax-dhigay Xarunta Daryeelka Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay fulinayaan CXDS, taas oo loogu talagalay in lagu daryeelo carruurta ay ka tageen halyeeyadii ciidanka ee naftooda u huray difaaca dalka.
Xaruntan ayaa ka koobnaan doonta adeegyo dhammaystiran oo ay ku jiraan goobaha waxbarashada, deegaan nololeed ku habboon iyo barbaarin dhammaystiran, si loo hubiyo mustaqbalka iyo horumarka ubadka ay ka geeriyoodeen halyeeyadii ku shahiiday difaaca qaranka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal-degay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aas-aaskiisa, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda oo ahayd mid ballaaran ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciidan tiro badan oo leh tayo heer sare ah, kuna qalabeysan gaadiid dagaal oo gaashaaman iyo diyaarado dagaal oo casri ah, kuwaas oo saaka lagu arkay hawada sare ee magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa muujineysa sida loo diyaariyay awoodda, qalabka iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka, oo sanadihii lasoo dhaafay gaaray guulo waaweyn, laguna xoreeyay dhul ay muddo dheer argagixisadu ku dhibaateynaysay shacabka Soomaaliyeed.

















