Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista danjire, xilkaas oo loo magacaabay Nuur Maxamuud Sheekh kadib soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Danjire Nuur ayaa horey xilal sar-sare uga soo qabtay Urur-goboleedka IGAD, isla markaana ah diblumaasi xirfad sare u leh xiriirka caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay ansixinta golaha kadib ayaa sheegay in kaadirka aqoonta durugsan u leh dublumaasiyadda uu xoojinayo siyaasadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjire Nuur Maxamuud Sheekh u rajeeyay guul iyo xil-gudasho hufan.
Kulankii maanta ee Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Xuseen Khaasim Yuusuf ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kadib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS.
Xuseen ayaa beddelaya Mustafa Dhuxulow, oo ahaa agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

