Islamabad (Adduun.com) – Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan ayaa ku guuldareystay inay heshiis gaaraan, kadib wada-hadallo xasaasi ah oo ka dhacay caasimadda dalka Pakistan.
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa sheegay in Tehraan ay diidday shuruudaha Washington kadib 21 saacadood oo wada-hadallo ah oo ka socday Islamabad.
“Warka xun waxa weeye inaanan heshiis gaarin, waxaana aaminsanahay in warkaasi uu aad uga xun yahay dhanka Iiraan marka loo eego Mareykanka,” ayuu yiri Vance, oo hoggaaminayay wafdiga Mareykanka.
Wuxuu hadalkan u sheegay weriyeyaasha Axaddii, waxyar ka hor inta uusan ka ambabixin Islamabad, kadib kulankii ugu heerka sarreeyay ee dhexmara Washington iyo Tehraan tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii.
Wuxuu sheegay in Iiraan ay dooratay “inaysan aqbalin shuruudaheenna” wada-hadalladii bilowday Sabtidii, isagoo raaciyay in Mareykanku u baahan yahay inuu arko “ballanqaad dhab ah” oo kaga yimaada Tehraan oo ku aaddan inaysan sameyn hub nukliyeer ah.
“Waxaan u baahannahay inaan aragno ballanqaad cad oo ah inaysan raadin doonin hub nukliyeer ah, islamarkaana aysan raadin doonin qalab u sahlaya inay si degdeg ah ku helaan hubkaas,” ayuu yiri Vance, intii lagu guda jiray xabbad-joojinta lixda isbuuc ah ee dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo ah hoggaamiyaha wafdiga Tehraan, ayaa dhanka Mareykanka ku eedeeyay inuu miiska la yimid shuruudo lagu carqaladeynayo sii socoshada wada-hadallada.
Warbixin laga helay Washington ayaa muujineysa in xaqiiqda ah in Madaxweyne Donald Trump uu diray Vance ay caddeyneyso in Mareykanku si dhab ah u qaadanayo wada-hadalladan. Bixitaanka Vance ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inuusan macnaheedu ahayn in wada-hadalladii ay dhammaadeen.
Qodobada ugu waaweyn ee haatan la isku mari la’yahay ayaa u muuqda Marinka Hormuz, kaasoo Iiraan ay weli gacanta ku hayso, iyo farqiga u dhexeeya arrimaha nukliyeerka.
“Mareykanku muddo ayuu wada-hadallo la lahaa Iiraan. Wada-hadalladaas way sii socon karaan iyadoo la iska fog yahay, ka bixitaanka madashana waxa laga yaabaa inay tahay oo keliya mowqif adag oo la muujinayo,” ayuu yiri falanqeeye sare oo ku sugan Washington.
Mareykanku kaliya ma dalbanayo in Iiraan ay ballanqaaddo inaysan sameyn hub nukliyeer ah, balse sidoo kale inuusan xitaa jirin isku day ay ku heli karto qalabkaas. Khilaafaadka noocan ah ayaa ah kuwii sababay in wada-hadalladii bartamihii 2010-meeyadii ay qaataan sanado badan. Ugu dambeyntii, waxaa la gaaray heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii xilligii Madaxweyne Barack Obama, kaasoo Trump uu ka baxay saddex sano kadib.
Rajada heshiis la gaaro
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa Axaddii sheegtay in aan la filaynin in wada-hadallada Mareykanka lagula jiro lagu gaaro heshiis maalin qura gudaheed.
“Sida dabiiciga ah, bilowgiiba maynaan filaynin inaan heshiis ku gaarno hal kulan. Cidna rajo noocaas ah kama qabin,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda, Ismaaciil Baqaa’i (Esmaeil Baghaei), sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee IRIB.
Wuxuu sheegay in Tehraan ay “ku kalsoon tahay in xiriirka anaga iyo Pakistan, iyo sidoo kale saaxiibadeenna kale ee gobolka, uu sii socon doono.”
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baaqir Qaalibaaf (Mohammad Bagher Ghalibaf), oo ah hoggaamiyaha wafdiga Tehraan ee Islamabad, ayaa sheegay inay soo jeediyeen hindiseyaal “mustaqbalka wax dhisaya”, balse Mareykanku uu ku guuldareystay inuu kasbado kalsoonida wafdigiisa intii ay socdeen wada-hadalladu.
“Mareykanku wuu fahmay caqliga iyo mabaadi’da Iiraan, waxaana la joogaa xilligii ay go’aan ka gaari lahaayeen inay kasban karaan kalsoonideenna iyo in kale,” ayuu yiri Ghalibaf, oo qoraal soo dhigay barta X.
Marka laga soo tago sii deynta hantida la xayiray ee dibadda, Tehraan ayaa dalbaneysa gacan-ku-haynta Marinka Hormuz, bixinta magdhowga dagaalka iyo xabbad-joojin guud oo ka hirgasha gobolka oo dhan, oo ay ku jirto Lubnaan, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda iyo mas’uuliyiin kale.
Israa’iil oo xulafo la ah Mareykanka ayaa dhankeeda diiday inay joojiso weerarada ay ku hayso kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan. Tehraan ayaa sheegtay in xabbad-joojintii lagu heshiiyay isbuucii hore ay ku jirtay dagaalka Lubnaan, balse Mareykanka iyo Israa’iil ayaa labaduba gaashaanka u daruuray arrintaas.
Si kastaba, dowladda Pakistan oo dhex-dhexaadinaysay Iiraan iyo Mareykanka ayaa rajo ka muujisay in mar kale la isugu tago miiska wada-hadalka, si ay isugu soo dhowaadaan dhinacyada loogana gudbo shuruudaha noqday “mindi mindi ku taag”.
