Addis Ababa (Adduun.com) – Ururka Midowga Afrika oo bayaan culus soo saaray ayaa si cad u diiday safiirka ay Israa’iil todobaadkan u magacowday maamulka Somaliland, kaas oo lagu magacaabo Michael Lotem, isla markaana noqon doono safiirkeedii ugu horreeyay, balse ah mid aan halkaasi fadhiisan doonin (non-resident ambassador).
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in aqoonsi kasta iyo tallaabada kasta oo diblomaasiyadeed oo dal ahaan loogu qaado Somaliland ay tahay waxba kama jiraan, ayna lama taabtaan tahay madax banaanida Soomaaliya.
“Aqoonsi kasta ama ergey diblumaasiyadeed oo loo diro Somaliland waa wax aan waxba ka jirin… waa lama taabtaan midnimada, wadajirka iyo madax-banaanida Qaranka Soomaaliya”. ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Afrika.
Waxaa kale oo uu Midowga Afrika shaaca ka qaaday in aysan dal u aqoonsan doonin maamulka Waqooyi Galbeed ee hadda loo yaqaano Somaliland, ayna xadgudub u arkaan sida ay haatan ula macaamileyso xukuumadda Tel Aviv.
Midowga Afrika ayaa ku biiray ururrada caalamiga iyo dalalka waa wayn ee ka horyimid tallaabada ay Israa’iil qaaday kuna tilmaamay mid xadgudub ah.
Goor sii horreysay bayaan ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee 17 dal waxay ku xaqiijiyeen in go’aanka Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada iyo nabadgelyada dhulka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dalalka soo saaray bayaanka ayaa kala ah; Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qadar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkey, Indonesia, Pakistan, Kuweyt, Mauritania, Urdun, Cumaan, iyo Yemen, waxayna si buuxda u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqaysa midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha.
Waxaa kale oo ay muujiyeen taageeradooda adag ee aan ruxmin ee ay la garab taagan yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale bogaadiyeen hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwa keliya ee matala, kana turjuma rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.

