Garoowe (Adduun.com) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo wareegto soo saaray ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay hoggaanka taliska ciidanka Booliska maamulkaas, isaga oo soo magacaabay taliyeyaal iyo ku xigeenno cusub.
Deni ayaa Sarreeye Guuto Cabdulqaadir Jaamac Dirir u magacaabay inuu noqdo taliye ku-xigeenka 2-aad Booliska Puntland, waxaana la faray inuu dardargeliyo shaqada hortaalla.
Sidoo kale, wuxuu magacaabay taliye qaybeedyo iyo ku xigeenno cusub oo ka howlgalaya deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland.
Hoos ka akhriso wareegtada oo dhammaystiran;-
Garoowe : 18 April 2026 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.11 iyo Lr. 12 oo ku saabsan Taliye-ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Booliska, Taliyeyaasha Qeybaha Ciidanka Booliska iyo Hoggaamada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.
Markuu arkay: Baahida loo qabo isbedel lagu sameeyo Hogaamadda iyo Saraakiish Sare ee Ciidanka Booliska.
Wuxuu xeeriyey: –
Qodobka 1-aad
(Magacaabid Taliye ku xigeen iyo Hogaamo)
1. S/Guuto Cabdulqaadir Jaamac Dirir Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland
2. G/Sare Yuusuf Axmed Ciise Taliyaha Kuliyada Tababarka Booliska ee Carmo.
3. G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) Dowladda Puntland
4. G/le Samiiro Cabdullaahi Maxamed Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Dambiyada (CID) Dowladda Puntland
5. G/Sare Faarax Nuur Maxamed Taliyaha Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland
6. G/le Cabdirisaaq Axmed Jaamac Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland
7. G/Sare Sekeriye Cabdiraxmaan Maxamed Taliyaha Hoggaanka Tababarada iyo Qorshaynta Ciidanka Booliska Dowladda Puntland
8. G/Sare Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan (Darwiish) Taliyaha Hoggaanka Hawlaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland
9. G/Dhexe Faadumo Cabdulqaadir Cali Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland
10. G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada Dowladda Puntland
11. G/le Cabdikhadar Maxamuud Axmed Taliye Ku-xigeenka Hogaanka Xiriirka Bulshda Dowladda Puntland
Qodobka 2-aad
(Magacaabid Taliyayaasha Qaybaha)
1. G/Sare Maxamuud Muuse Bille Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug
2. G/le Ayuub Siciid Cali (Dheeg) Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug
3. G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal
4. G/Dhexe Ayax Jamaal Axmed Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Nugaal
5. G/Sare Siciid Aadan Siciid Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari
6. G/dhexe Maxamed Bashiir Ismaaciil Taliye Ku-xigeenka Qaybta Ciidanka Booliska Gobolka Bari
7. G/Sare Bashiir Maxamed Maxamuud Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar
8. G/le Xudayfi Xuseen Cismaan Taliye Ku-xigeenka Qaybta Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar
9. G/Sare Siciid Ducaale Faarax Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Haylaan
10. G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag
11. G/le Siciid Faarax Ibraahin Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Sanaag
12. G/Sare Maxamuud Maxamed Cabdulle (Shoox) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, waana saxiixay.
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
