Tel Aviv (Adduun Onlien) – Israa’iil ayaa Aqalka Cad ka dalbatay inuu sharraxaad ka bixiyo qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo uu ku sheegay in Israa’iil “laga mamnuucay” inay duqeymo ka fuliso dalka Lubnaan, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo la-taliyeyaashiisa ayaa la soo weriyay inuu lama filaan iyo naxdin ku noqday qoraalka Trump, kaas oo si cad uga hor imanayay nuxurka heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Lubnaan ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanku daabacday Khamiistii.
Fariinta ka dhalan karta qoraalka Trump — ee ah inuu bixinayo amar aysan Israa’iil lahayn doorasho aan ahayn inay adeecdo — ayaa ahayd mid aan la malayn karin xilliyadii maamulladii hore ee Mareykanka.
Trump ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in Israa’iil iyo Lubnaan ay isku raaceen xabbad-joojin 10 maalmood ah. Mareykanka ayaa muddo maalmo ah cadaadis saarayay in xabbad-joojintaas la gaaro, iyadoo dhanka kalena uu barbar socday wada-hadal nabadeed oo lala waday Iiraan.
Sida ku cad heshiiska, Israa’iil waxay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabo milateri, xitaa xilliga xabbad-joojinta, “si ay isku difaacdo, waqti kasta, kana hortagto weeraro qorsheysan, kuwa soo dhow, ama kuwo socda.” Hase yeeshee, Israa’iil ayaa ballanqaadday inaysan fulin doonin hawlgallo milateri oo weerar ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada u gaarka ah ciidamada iyo rayidka dalka Lubnaan.
Xabbad-joojintan ayaa siyaasad ahaan aad xasaasi ugu ah Netanyahu, iyadoo xukuumaddiisu ay si joogto ah u iftiimisay inaan laga hor istaagin inay garaacdo kooxda Xisbullah haddii ay baahi timaado.
Balse, Jimcihii, Trump ayaa adeegsaday luuqad aad uga duwan taas, isagoo yiri: “Israa’iil dib dambe u duqeyn meyso Lubnaan. Waxaa arrintaas ka MAMNUUCAYA dowladda Mareykanka. Intaas ayaa ku filan!!!” Wareysi uu siiyay wargeyska Axios, ayuu Trump ku celiyay inuu doonayo in la joojiyo duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan, isagoo xusay inaysan sii wadi karin qarxinta dhismooyinka, uuna gabi ahaanba diiddan yahay inuu arrintaas oggolaado.
Netanyahu iyo kooxdiisa ayaa hadalladan kasoo yeeray Trump ka ogaaday warbaahinta, waxayna ku noqotay dhabar-jab iyo kadiso. Kaaliyeyaashiisa, oo uu ku jiro Safiirka Israa’iil ee Washington, Yechiel Leiter, ayaa durba bilaabay inay qiimeeyaan in Mareykanku uu beddelay jihadiisa siyaasadeed. Saraakiisha Israa’iil ayaa Aqalka Cad weydiiyay inuu iftiimiyo arrintan, iyagoo carrabka ku dhuftay in hadalka Trump uu garab-marsan yahay heshiiska la saxiixay.
Kaddib markii warbaahintu ay Aqalka Cad weydiisay falcelintooda, sarkaal Mareykan ah ayaa caddeeyay hadallada Trump. Sarkaalka ayaa yiri, “Heshiiska xabbad-joojinta ee Madaxweynaha ee u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil wuxuu si cad u sheegayaa in Israa’iil aysan fulin doonin wax hawlgallo milateri oo weerar ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Lubnaan, balse wuxuu dhowrayaa xaqa ay u leedahay is-difaacidda ka dhanka ah weerarada qorsheysan, kuwa soo dhow ama kuwa socda.”
Goor dambe oo Jimcihii ah, in yar kahor wareysigii Trump, diyaarad drone ah oo ay leedahay Israa’iil ayaa duqeyn ka fulisay koonfurta Lubnaan. Ilo Israa’iili ah ayaa markii dambe sheegay in Xisbullah ay jabisay xabbad-joojinta, ayna soo weerartay ciidamada Israa’iil ee ku sugan gudaha aagga amniga.
“Ciidamadeennu waxay tallaabo qaadeen si ay isku difaacaan oo ay u tirtiraan khatarta, taas oo waafaqsan heshiiska xabbad-joojinta ee lala gaaray Mareykanka iyo Lubnaan,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Israa’iil.
