Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ra’iisul wasaare Xamza oo weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ra’iisul wasaare Xamza oo weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe


Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad lagu xusayay sanad guuraad 66-aad ee kasoo wareegatay aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee waddanka, isagoo weerar culus ku qaaday madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xamza oo dhaliilay hoggaanka Jubbaland ayaa si toos ah Axmed Madoobe ugu eedeeyay inuu ka shaqeynayo sidii loo kala goyn lahaa dalka Soomaaliyeed, isla markaana uu rabo in dalka loo jiheeyo doorasho dadban ama la kala tego.

“Waxaa la gaaray inaa laba qarsanin nin Soomaaliyeed oo deegaan kamid ah Soomaali xukuma inuu annaga noogu hanjabo haddaydaan saas sameynin waa goosanayaaba haddaan doorasho dadban layla aadin saan anigu rabo dalkan wuu kala tegayaa anne dib dib lay arki maayo” ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale, wuxuu duray doorashadii uu ku qabsaday magaalo xeebeedka Kismaayo ee ay horay u qaadacday dowladda dhexe, isaga oo sheegay in aysan jirin cid dooratay, haddana uu rabo inuu sii xakumo shacabka.

“Waad garan kartaan siday dambi u tahay iyo intay la’eg tahay inuu nin inta istaago cidnaba dooran xittaa ama haddii la doortay kuma imaan Public Vote suu ku yimid Ilaaheybaa og ruuxuu rabo ha haado inuu isna yiraahdo Soomaaiya anaa kala goynayo dalka isma haysanaayo si cad dambigaas waad garan kartaan inta uu la’egyahay” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray Ciidanka Xooga Dalka oo uu ugu baaqay inay u istaagaan difaaca midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, si loo ilaaliyo dowladnimada io qarannimada Soomaaiyeed.

“Idin-ka ayaa ah jihada ama waajibka koowaad in la ilaaliyo Calankan iyo midnimada dhuleed, midda cireed iyo midda badeed ee dalkan marka waajibkaas culus ayaa idin saaran halsitaasi way jiraan ee la socda diyaar garooba” ayuu sii raaciyay.

Khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Jubbaland ayaa daba dheeraaday, iyadoo horay loogu kala tegay wada-hadallo ka kala dhacay Muqdisho iyo Kismaayo oo u dhexeeyay labada dhinac, kadib markii la’isku fahmi waayay.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard