Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag ugu digay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inuu Ciidanka Xoogga Dalka u adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah.
Golaha Mustaqbalka, oo hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan xubnaha Ciidanka Xoogga Dalka munaasabadda sannadguurada 66-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda, ayaa ciidanka ka dalbaday inay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, isla markaana ay iska diidaan amar kasta oo aan ku dhisnayn dastuurka dalka iyo xeerarka ciidanka.
“Goluhu wuxuu la socdaa in Madaxweynaha Xasan Sheekh oo uu muddo-xileedkiisu ka harsan yahay 32 cisho in uu wado dhaq-dhaqaaqyo muujinaya in hay’adaha amniga uu ku jiheynayo difaaca danihiisa siyaasadeed, taas oo khatar gelin karta haykalka dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha.
Sidoo kale, golaha ayaa si cad u dalbaday in ciidanku ka fogaado xadgudubyada lagu geysanayo magaca iyo sharafta ciidanka.
“Saraakiisha ciidanku waa in ay ogaadaan in sharciyadda Madaxweynaha ay ka harsan tahay maalmo kooban. Sidaa awgeed, waa in aanay ku kadsoomin dhalanteedka xukun boobka ah, kaas oo uu isla xisaabtan dhab ah uu ka danbeyn doono.”
Digniintan ayaa imaneysa xilli maanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku faanay awood ciidan oo xooggan, isla markaana uu si cad u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin inay aadan meeshii ay u dirto Dowladda Federaalka, ayna howlgal gaar ah ka sameyn karaan goob kasta oo ka mid ah dalka.
Dowladda Federaalka ayaa dhawaan awood militari ku qabsatay magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo haatan uu maamulkaasi ka arrimiyo hoggaamiye ay dowladda u magacowday.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu munaasabadda 12-ka Abril oo ku beegan sanadguuradii 66aad ee aasaaska ciidanka xoogga, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Xubnaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waajiba Ciidanka Xoogga Dalka waa difaaca qarannimada iyo gobonnimada dalka, ilaalinta midnimada, iyo sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed.
Goluhu wuxuu si adag uga digayaa isku day kasta oo lagu doonayo in ciidanka qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah ama loollan awoodeed oo aan sharci ku dhisnayn.
Goluhu wuxuu la socdaa in Madaxweynaha Xasan Sheekh oo uu muddo-xileedkiisu ka harsan yahay 32 cisho in uu wado dhaq-dhaqaaqyo muujinaya in hay’adaha amniga uu ku jiheynayo difaaca danihiisa siyaasadeed, taas oo khatar gelin karta haykalka dowladnimada.
Ciidanka Qaranku ma aha aalad loo adeegsado dano shakhsi ama koox gaar ah. Waa tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada iyo jiritaanka qaranka.
Marka lagu xusho daacadnimo qabiil ama dano gaar ah, waxaa burburaya isku-duubnidii ciidanka, waxaa wiiqmaya awoodda iyo waxtarkiisa, waxaana halis galaya amniga qaranka.
Haddaba, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si cad u dalbanayaa:
1. In la dhawro dhex-dhexaadnimada Ciidanka Qaranka, lagana waantoobo kala sooca iyo kalaqaybinta ciidanka.
2. In ciidanku ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, oo ay iska diidaan amar kasta oo aan ku dhisnayn dastuurka dalka iyo xeerarka ciidanka.
3. In ciidanku ka fogaado xadgudubyada lagu geysanayo magaca iyo sharafta ciidanka.
4. Saraakiisha ciidanku waa in ay ogaadaan in sharciyadda Madaxweynaha ay ka harsan tahay maalmo kooban. Sidaa awgeed, waa in aanay ku kadsoomin dhalanteedka xukun boobka ah, kaas oo uu isla xisaabtan dhab ah uu ka danbeyn doono.
-Dhamaad-
