Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Muxuu RW Xamza kala hadlay isimada PUNTLAND? + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Muxuu RW Xamza kala hadlay isimada PUNTLAND? + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barr ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah isimada dhaqanka Puntland oo haatan booqasho ku jooga caasimadda, iyadoo ujeedka kulanka lagu sheegay si loo xoojiyo isku xirka bulshada iyo dowladoodda.

Kulanka casho sharaf ahaa ayaa ka dhacay hoyga Ra’iisul wasaaraha, iyadoo si diiran oo maamuus sare leh uu usoo dhoweeyay isimadda oo kala ahaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal, iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, iyo marti kale.

Sidoo kale, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole, waxaana looga hadlay baahiyaha deegaanka iyo xoojinta wada shaqeynta shacabka iyo dowladdooda, si loo gaaro xasilooni iyo horumar.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer la’isaga xog-waraystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada ay ka yimaadeen isimadu, iyo dadaallada ay ku bixinayaan xoojinta dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Xamza oo hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa sidoo kale u mahadceliyay odayaasha, isaga oo ku amaanay doorkooda ku aadan dhismaha dowladnimada iyo xallinta khilaafaadka kusoo noq-noqday deegaanka.

“Waxaan uga mahadceliyey isimada doorka muuqda ee ay ka qaateen dhismaha dowladnimada Soomaaliya, xallinta khilaafaadka beelaha, iyo mideynta bulshada, waxaan ku dhiirrigeliyey in ay sii laba jibbaaraan kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan adkaynta midnimada, nabadda, iyo horumarinta dowlad-dhiska”. ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhawaan isimadan la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh oo si gaar ah ugala hadlay baahiyaha ka jira deegaannada Puntland, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo dowladdooda, si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.

Kulamadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay is-hayaan Dowladda Federaalka iyo Puntland, maadaama uu khilaafkoodu sii fogaaday.

Villa Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale ula shirtay inta badan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo hadda jooga Muqdisho, waxaa kale oo ay saameysay dhaq-dhaqaaq ciidan oo uu qaylo dhaan kasoo saaray madaxweyne Saciid Deni.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard