Gaalkacyo (Adduun.com) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska hor imaad xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Daraawiishta Puntland, waxaana ku dhintay laba askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay Gaakacyo u tageen soo qabashada askari ka tirsan Daraawiishta oo qoray lasoo goostay, waxaase difaacay ciidamo kale oo Daraawiish ah oo dagaal la galay Booliska lasoo diray.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in eedeysanaha uu goobta ka baxsaday, waxaana isku deyga qabashadiisa ay galaafatay nolosha laba askari oo kale.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadan, waxaana maanta xaaladda ay tahay mid kacsan, iyadoo uu socdo howlgal lagu baadi goobayo askarti Daraawiishta ee la dagaalantay Booliska, iyagoo garab siinaya saaxibkood oo loo haysto hub uu lasoo baxsaday.
Maalmo kahor ayay ahayd markii askari ka tirsanaa ciidamada Puntland ee la geeyay Gaalkacyo lagu diay waqooyiga magaaladaas, kadib markii ay weerareen kooxo kale.
Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa magaaladan ka dhacayay falal ammaan darri, iyadoo dhanka kale howlgallo xasilin ah ka wadaan Puntland iyo Galmudug.
