Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Muungaab oo go’aan kasoo saaray isticmaalka shillin Soomaaliga - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Muungaab oo go’aan kasoo saaray isticmaalka shillin Soomaaliga


Muqdisho (Adduun.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Xuseen Muungaab ayaa amray in la qaato lacagta shillin Soomaaliga oo maalmihii dambe ay ganacsatada Muqdisho diidayeen.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku amray ganacsatada in aysan diidi karin isticmaalka shillinka Soomaaliga, iyadoo Guddoomiye Muungaab uu si cad u sheegay in dambiile loo aqoonsan doono ganacsade kasta oo diida lacagta shillin Soomaaliga.

“Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed u caddeeyay in aysan marnaba suurtagal ahayn in la diido adeegsiga lacagta shillin Soomaaliga, wuxuuna tilmaamay in lacagaha maxalliga ah ay qeyb ka yihiin tiirarka jiritaanka iyo halbowlaha dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee umadda, taas oo ilaalinteedu ay tahay waajib iyo mas’uuliyad dastuuri ah oo damiirkuna na farayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Muungaab ayaa sidoo kale go’aamiyay in canshuuraha maxalliga ah ee ay qaaddo Dowladda Hoose ee Xamar lagu bixiyo lacagta shillin Soomaaliga, iyadoo sariflayaashana la faray inay aqbalaan sarifka shillinka Soomaaliga.

“Duqa Muqdisho oo tixgelinaya duruufaha gaarka ah ee ganacsatada Gobolka Banaadir ku shaqeeyaan, wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo diidmada lacagta shillin Soomaaliga,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Go’aanka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa yimid kadib kulan degdeg ah oo maanta uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir la yeeshay ganacsatada kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Muungaab ayaa ballanqaaday in Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Xamar ay kaalin mug leh ka geysan doonaan fududeynta dadaallada lagu taageerayo ganacsatada, looguna jawaabayo tabashooyinka gaarka ah ee ay qabaan.

Dhankooda, ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa ka mahadceliyay kulanka Duqa magaalada, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibaatada ay bulshada kala kulantay culeyska ka yimid diidmada shillinka Soomaaliga.

Hoos ka daawo muuqaalka

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard