Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan culus kasoo saartay xaaladda degmada Cabdicasiis oo dhawaan ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka, iyada oo ku dhawaaqday in haatan dib loo soo celiyay xasiloonida degmada iyo kala dambeyntii caadiga ahayd.
Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in howlgallo saacado badan qaatay kadib lagu guuleystay in la xasiliyo xaafadda Mirinaayo, isla markaana gebi ahaanba lasoo afjaray raggii ka dagaalamay ciidamada mucaaradka ee ku sugna halkaas.
Macallin Mahdi ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay kusoo noqdaan guryahooda, sidoo kalena ganacsatada ay furaan karaan goobahooda.
“Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in xaaladda amni ee deegaanka si buuxda loo xasiliyey, isla markaana dib loogu soo celiyey deganaanshihii iyo kala dambeyntii caadiga ahayd, kadib howlgal ay fuliyeen oo lagu soo afjaray falal hubeysan oo lid ku ahaa amniga iyo xasilloonida,” ayuu yiri Taliye Macallin Mahdi.
Sidoo kale wuxuu intaas kusii dara “Sidaa awgeed, waxaa lagu wargelinayaa shacabka hore u deganaa xaafadda Marinaayo iyo agagaarkeeda, iyo ganacsatada halkaas ku lahaa ganacsigooda, inay si nabad ah ugu soo laaban karaan deegaanka, maadaama xaaladdu ay si buuxda u deggan tahay”.
Waxaa kale oo uu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana ay ka feejignaadaan wararka aan la hubin.
Dhanka kale, dagaalka ayaa haatan u wareegay duleedka Muqdisho, kadib markii xalay degmada Gubadley iyo deegaanno kale oo dhaca gobolka Shabeellaha laga dareemay iska hor imaad hubeysan iyo dhaq-dhaqaaq ciidan.
Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo isla maanta xeebta Liido uu ka bilowday dhaq-dhaqaaqii caadiga ahaa, ayna u damaashaad tageen dadweyne kala duwan, sida ay muujinayaan muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada.
