Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Farmaajo: Xasan Sheekh waan uga fiicanahay maaraynta arrimaha siyaasadda - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Farmaajo: Xasan Sheekh waan uga fiicanahay maaraynta arrimaha siyaasadda


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta isaga iyo Sheekh Shariif ay la hadleen wariyeyaasha ayaa weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u jeediyay eedeymo culus.

Farmaajo ayaa marka hore ku faanay inuu dhanka wax qabadka uga fiican yahay Madaxweyne Xasan, isla markaana uu kaga wanaagsanaa arrimaha siyaasadda.

“Xasan Sheekh nalama tartami karo iskumana kalsoona waan uga fiicanahy maareynta arrimaha siyaasadda ee  hala yimaado wax uu sheegto,” ayuu yiri Farmaajo.

Waxaa kale oo uu inyaas ku daray “Dhaqaalaha maxaa ku kordhisay, maxaase ummadda u qabatay aaway dhalinyarada shaqo abuur ma u sameysay?”.

Dhanka kale, Farmaajo oo si weyn u dhaliilay tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay inuu gogol wada-hadal dhigayo gurigiisa magaalada Muqdisho.

“Marka hore waxaa rabaa in Madaxweyne Shariif ka tacsiyadeeyo falkii xumaa ee tacadiga ahaa ee lagu bahdilay ee lagu sameeyay dorraad markii heshiis lagu galay xabad-joojin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa martiqaad u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si gurigiisa uu berri uga qabsoomo kulan wada-hadal ah oo u dhaxeeya madaxweynaaha iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

“Haddii uu diido ama uusan imaan. Saaxiibada Soomaaliyeed ee u heelan inay arrintan soo dhex galaan waa soo dhaweynayna. Dowladnimada yarta ah yeysan gacanteena u burburin qofkii Iaahay u qoray ayaa madaxweyne noqonayee,” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard