Marka laga hadlayo falanqaynta siyaasadda Soomaaliya ee xilligan xasaasiga ah, farqiga u dhexeeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, iyo xubnaha mucaaradka ee inta badan sida joogtada ah u dhaleeceeya dowladda waqtigeedu dhammaaday, wuxuu ku qotamaa dhowr qodob oo muhiim ah. Qodobbadaas waxay la xiriiraan hab-fekerka, istiraatiijiyadda iyo ujeeddooyinka fog ee siyaasadeed.
Farmaajo wuxuu dhisay muuqaal siyaasadeed oo u eg hoggaamiye waddani ah oo difaacaya qarannimada Soomaaliya. Taasi waxay u keentay taageerayaal badan oo ku aaminsan dareen iyo caadifad waddaniyadeed. Sidaas darteed, uma baahna inuu maalin kasta hadlo, balse taageerayaashiisa ayaa si joogto ah ugu difaaca baraha bulshada.
Inkasta oo mucaaradka ay ku jiraan madaxweyne hore iyo ra’iisul wasaareyaal hore, haddana qaybta ugu qaylada badan inta badan waa xildhibaanno, wasiirro hore ama siyaasiyiin doonaya inay dib ugu soo laabtaan miiska siyaasadda. Mararka qaar, siyaasiyiintaas ma haystaan miisaan iyo saameyn toos ah oo la mid ah tan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ka hor inta uusan noqon madaxweyne, murashaxii Nabad iyo Nolol, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu muddo ku dhow lix bilood ahaa ra’iisul wasaare. Xilkaas ka hor, ma ahayn shaqsi si weyn looga yaqaanay siyaasadda, balse waxaa keenay duruufta waqtiga iyo nidaamka awood-qaybsiga 4.5.
Wuxuu xilka ra’iisul wasaaraha ku waayay markii uu la soo baxay siyaasado ku dhisan waddaniyad, maamul-wanaag, ka xoreynta dalka kooxaha argagixisada, iyo wada-shaqeyn ka dhex muuqatay isaga, xukuumaddiisa iyo madaxweynihii xilligaas, Shariif Sheekh Axmed. Taasi waxay ka mid noqotay sababihii mar kale loogu doortay madaxweynaha Soomaaliya 8 February 2017.
Doorashadiisa, oo guud ahaan dhulka Soomaalida si weyn looga soo dhoweeyay, waxaa xigay isbeddel siyaasadeed oo weyn. Dad badan waxay xilligaas Farmaajo u arkayeen madaxweyne wax badan ka beddeli kara Soomaaliya cusub. Hase yeeshee, nidaamkiisa iyo dadka ku xeernaa ayaa dhabihii guusha ka weeciyay, gaar ahaan markii xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ku fashilantay inay dalka ka hirgeliso doorasho xor iyo xalaal ah. Taas beddelkeed, madaxweynaha waxaa lagula taliyay inuu sameeyo muddo-kororsi, tallaabo kalsooni-darro weyn gelisay shacabka. Arrintaas ayaa noqotay boogta ugu weyn ee maanta lagu xasuusto maamulka Farmaajo.
Farmaajo wuxuu dhisay, sal adagna u dhigay, ciidamada kala duwan ee dalka. Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee loo diiwaangeliyo maamulkiisa waa dib-u-habaynta, tirakoobka iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan ciidanka Gorgor iyo Haramcad. Wuxuu kalsooni ka kasbaday ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, maadaama uu joogteeyay mushaaraadkooda iyo nidaamka dowliga ah. Wuxuu sidoo kale kor u qaaday maqaamka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, isagoo muujiyay dowlad ka madax-bannaan faragelinta shisheeye ee tooska ah.
Balanqaadyadii uu Madaxweyne Farmaajo ololaha doorashada ku galay dhammaantood ma hirgelin, inkastoo dowladdiisa ay ku guuleysatay dhanka xiriirka caalamiga ah iyo in Soomaaliya loola dhaqmo si ka duwan sidii loola dhaqmi jiray dowladihii ka horreeyay.
Sanadkii 2021, ismari-waagii doorashada iyo dadaalkii uu Baarlamaanku muddo-kordhin laba sano ah ugu sameeyay isaga iyo hay’adaha dowladda wuxuu abuuray qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Taasi waxay dhaawacday kalsoonidii shacabka iyo xiriirkii caalamiga ahaa, ugu dambeyntiina waxaa lagu qasbay inuu miiska soo saaro doorasho dadban, taas oo uu ku guuleystay madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Xilligan, muddo-xileedka dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku ekaa 15 May, ayaa dhammaaday, iyadoo aan weli muuqan qorshe doorasho oo diyaar ah. Taas beddelkeed, waxaa muuqata muddo-kororsi hal sano ah. Sida caadada siyaasadda Soomaaliya noqotay, waxaa billowday mucaaradad xooggan oo looga soo horjeedo dowladda iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo mucaaradku ku eedeeyeen inuu talada dalka keligiis isku koobay. Arrintaas waxay dalka gelisay xaalad jahwareer iyo hubanti la’aan ah.
Siyaasiyiin isugu jira madaxweyne hore, ra’iisul wasaareyaal hore iyo murashaxiin madaxweyne ayaa bilaabay inay mucaaradnimadooda ku soo koobaan hadallo kulul, shirar jaraa’id iyo baaqyo dibadbaxyo ah. Hase yeeshee, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu iska fogeeyay qaabkaas siyaasadeed, wuxuuna doorbiday istiraatiijiyad aamusan.
Madaxweynihii sagaalaad ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaarihiisii ugu dambeeyay, Maxamed Xuseen Rooble, iyo Cabdi Faarax Shirdoon, oo isaguna mar soo noqday ra’iisul wasaare, kama mid aha siyaasiyiinta maalin kasta saxaafadda hor istaaga ama qaylo joogto ah ku maareeya khilaafaadka siyaasadeed.
“Siyaasadda aamusan” ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa mid ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee lagu bartay hoggaamintiisa iyo qaabka uu u wajaho arrimaha siyaasadda dalka. Farmaajo wuxuu caan ku ahaa inuu ka gaabsado ka hadalka xasaradaha taagan, khilaafaadka siyaasadeed ama eedeymaha loo soo jeediyo.
Si ka duwan madax badan oo Soomaali ah, kuwaas oo inta badan si degdeg ah uga falceliya dhacdooyinka ama qabta shirar jaraa’id, Farmaajo aad ayuu u yareyn jiray la kulanka warbaahinta madaxa-bannaan iyo ka jawaabista eedeymaha mucaaradka. Ujeeddadu waxay ahayd inuu ka fogaado khaladaad hadal, isla markaana uusan gelin dood hoos u dhigi karta sharafta xafiiskiisa. Taasi waxay keentay in dadweynaha iyo kooxaha ka soo horjeeda ay marar badan ku wareeraan waxa uu damacsan yahay.
Marka ay jiraan khilaafaad adag, ha ahaadeen kuwa u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, ama khilaafaadkii isaga iyo ra’iisul wasaareyaashiisii sida Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble, Farmaajo inta badan wuxuu doorbidi jiray aamusnaan ilaa ay xaaladdu heer sare gaarto. Kadibna wuxuu qaadi jiray tallaabooyin go’aan-qaadasho ah oo lama filaan noqda. Taageerayaashiisu waxay aaminsanaayeen in aamusnaantaas ay daciifiso saamaynta hadallada mucaaradka.
Gunaanad ahaan, siyaasadda aamusan ee Farmaajo waxay ahayd seef laba af leh. Dhinac, waxay ka caawisay inuu sii haysto taageerada dadka rumeysnaa inuu yahay madaxweyne ka dhowrsan buuqa siyaasadeed ee maalinlaha ah. Dhinaca kale, waxay sii fogeysay kooxaha mucaaradka ah iyo saaxiibbada caalamiga ah ee doonayay wada-hadal furan iyo tanaasul degdeg ah.
Maanta, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ku furan buuq siyaasadeed oo xadkiisa dhaafay. Xaaladdan waxay u baahan tahay siyaasad aamusan oo lagu macno-tiro kooxaha mucaaradka ah ee qaylada siyaasadeed u arka xal, isla markaana bulshada u kiciya fowdo siyaasadeed.
W/Q: Ali Muhiyaddiin
[email protected]
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Adduun.com. Adduun.com, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.
