Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in xilkan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda u magacaabay Salaad, isagoo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta dowladnimada.
Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa horey dalka uga soo qabtay xilal kala duwan, isagoo muddo dheer ka soo shaqeynayay arrimaha diblomaasiyadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa lagu tilmaamaa masuul leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo la xiriirta siyaasadda, diblomaasiyadda iyo maamulka dowladeed.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u ammaanay khibradda, dadaalka iyo doorkii uu Danjire Salaad Cali Jeelle ka soo qaatay u adeegidda dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay kalsooni ah in La-taliyaha cusub uu si hufan uga soo bixi doono waajibaadka culus ee loo igmaday.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Danjire Salaad Cali Jeelle in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, isagoo kula dardaarmay in uu qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti.

