Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir jaraa’id la qabtay Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, oo haatan mareysa meel xasaasi ah.
Farmaajo oo si weyn u dhaliilay tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay inuu gogol wada-hadal dhigayo gurigiisa magaalada Muqdisho.
“Marka hore waxaa rabaa in Madaxweyne Shariif ka tacsiyadeeyo falkii xumaa ee tacadiga ahaa ee lagu bahdilay ee lagu sameeyay dorraad markii heshiis lagu galay xabad-joojin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa martiqaad u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si gurigiisa uu berri uga qabsoomo kulan wada-hadal ah oo u dhaxeeya madaxweynaaha iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
“Haddii uu diido ama uusan imaan. Saaxiibada Soomaaliyeed ee u heelan inay arrintan soo dhex galaan waa soo dhaweynayna. Dowladnimada yarta ah yeysan gacanteena u burburin qofkii Iaahay u qoray ayaa madaxweyne noqonayee,” ayuu yiri.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaa sheegay in Sheekh Shariif loola dagaalamay sidii cadowga oo kale, ayna dowladda dooneysay inay khaarajiso, balse Alle ka badbaadiyay sida uu hadalka u dhigay.
“Aniga iyo Shariif oo wada shaqeynayna ayaa magaaladan ka xoreynay Shabaab, oo ka xoreynay Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. Si nabad ah ayaa Xasan Sheekh loogu wareejiyay xilka oo loo nadiifiyay magaalada,” ayuu yiri Farmaajo.
Waxa uu intaas kusii daray “Ma istaahila in madaxweynihii (Shariif) intaas sameeyay in naftiisa khatar la geliyo, oo lagu weeraro gurigiisa.”
Hoos ka daawo muuqaalka
