Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Dagaal culus oo DF iyo mucaaradka ku dhexmaray duleedka Muqdisho kadib markii Cabdullaahi Nuur… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Dagaal culus oo DF iyo mucaaradka ku dhexmaray duleedka Muqdisho kadib markii Cabdullaahi Nuur…


Muqdisho (Adduun.com) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay dagaal la galay ciidamo taabacsan Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, kuwaas oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho kuna wajahnaa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada lala xiriirinayo Cabdullaahi Maxamed Nuur ay wateen illaa sideed gaari oo dagaal, isla markaana ay ka dhaqaaqeen degmada Gubadley ee gobolka Banaadir.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa yimid kadib markii ay ka war heleen in ciidamo ka tirsan Booliska Gaarka ah ee Haramcad ay ku soo wajahan yihiin si ay hub ka dhigis ugu sameeyaan.

Ciidanka xoogga dalka ee ka hawlgala koonfurta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu wargeliyay dhaq-dhaqaaqa ciidamadaas, waxaana la sheegay inay xireen waddooyinka mara deegaannada Ceel-Bashaqle iyo Qorilow oo hoos taga degmada Warsheekh.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada taabacsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ay markii dambe ku dhaceen jidgooyo loogu diyaariyay aagga Bashaqle.

Intaas kadib ayaa la sheegay in dagaal kooban uu halkaas ku dhex maray labada ciidan, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.

Sidoo kale, weli ma cadda halka uu ku dambeeyay masiirka guud ee ciidamadii hubka la baxay, iyadoo wararka arrintaasi la xiriira ay kala duwan yihiin.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qayb ka mid ah ciidamadaasi ay gaareen degmada Cadale, halka warar kale ay sheegayaan inay gaareen degmada Raage Ceelle.

Xogo kale ayaa iyaguna sheegaya in saddex gaari laga qabsaday ciidamadaasi, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen gaadiidkii iyo ciidamadii kale.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaan weli wax war ah ka soo saarin isku daygan ugu dambeeyay ee lagu doonayay in hubka looga ururiyo xoogag ka amar qaata Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sidoo kale ah milkiilaha Hotel Elite ee xeebta Liido.

Dhanka kale, ciidamada amniga ayaa Sabtidii gudaha u galay Hotel Elite iyagoo fulinayay hawlgal hub ururin ah.

Sidoo kale, Taliska Booliska Muqdisho ayaa shalay sheegay in ciidamadii taabacsanaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku dagaallamay degmada Cabdicasiis ay hub ku qariyeen goobo kala duwan oo degmadaas ah, isla markaana uu weli socdo hawlgal lagu soo ururinayo hubkaas.

Xiisadda siyaasadeed ee dowladda iyo mucaaradka ayaa isku rogtay gacan ka hadal kadib markii dowladda ay si adag uga hortimid in mucaaradka uu isku hubeeyo gudaha magaalada Muqdisho.

Khilaafka ka dhashay doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xilka hay’adaha federaalka ayaa sii xoogaystay kadib markii wada-hadallo u dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan 15-kii May.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ekaa 15-kii May, isla markaana aan lagu sii shaqeyn karin hannaan aan lagu wada heshiin.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in dalka loo wado doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaantay isbeddel muhiim ah oo Soomaaliya ka saaraya hannaan doorasho dadban oo muddo dheer ku dhisnaa awood-qeybsi iyo xulasho beeleed.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard