Wajeer (Adduun.com) – Guddoomiyaha magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya Mudane Axmed Cabdullaahi oo ka hadlayay arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya ayaa farriin culus u diray hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada ee kasoo horjeedo dowladda dhexe.
Axmed Cabdullaahi oo runta u sheegay madaxda maamul-goboleedyada Soomaaliya ayaa soo bandhigay saddex qodob oo muhiim ah, isa markaana saldhig u noqon kara inay ku xoojiyaan iskaashiga dhexdooda ah, si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Wajeer ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay si buuxda u maamusho difaaca dalka, arrimaha dibadda iyo sirdoonka, loona baahanyahay in maamullada ay uga dambeeyaan.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay in Dowlad-Goboleedyadu in aysan faragelin arrimaha xasaasiga ah ee taabanaya midnimada iyo difaaca qaranka.
“Dowlad-goboleedyada Federaalka ee Soomaaliya waa in ay ixtiraamaan oo ku shaqeeyaan isla markaana ay hoos yimaada awoodda Dowladda, Si loo helo Soomaaliya si dhab ah u mideysan, saddex hay’adood oo muhiim ah waa in ay si buuxda ugu hoos jiraan gacanta Dowladda Federaalka sida Difaaca, Arrimaha dibadda & sirdoonka” ayuu yiri, Guddoomiyaha Wajeer.
Si kastaba, Axmed Cabdullahi ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweynayay hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, looguna mahadceliyay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan isbeddel wayn ka sameeyay magaalada Baydhaba.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan khilaaf gudaha ah oo ka dhashay marxaladda kala guurka ah, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah iyo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul-goboleedyada dalka.
