Sticky ad
News

Maxaa laga filan karaa shirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka?

0
Please log in or register to do it.

Waxaa si weyn loogu falceliyay shirka la filayo inuu dhawaan dhexmaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan mucaaradka. Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli uu taagan yahay muran xooggan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka sanadka 2026.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in mucaaradku mabda’ ahaan oggolaadeen inay la kulmaan Madaxweynaha, kadib markii ay ka heleen casuumaad rasmi ah oo ka timid Villa Somalia. Haddana, kulan u gaar ah ayaa la qorsheynayaa si ay uga heshiiyaan waqtiga iyo xubnaha rasmi ah ee matalaya mucaaradka.

Xubnahan mucaaradka ayaa horay si cad u diiday ka qaybgalka gogoshii Muqdisho, taas oo markii dambe lagu soo afjaray war-murtiyeed rasmi ah.

Ra’yiga Dadweynaha:

Bulshada Soomaaliyeed ee baraha bulshada ku firfircoon ayaa si kala duwan uga falcelisay kulankan:

  • Cabdullahi Siidhii: “Ilaahay ha ku dhammeeyo guul iyo heshiis, qof iyo cod ha la isku raaco.”

  • Sacdiya Simoon: “Haddii midkood Madaxweyne noqdo, inta kale waxay noqon doonaan caqabad cusub. Soomaaliya uma baahna kala qeybsanaan.”

  • Xuseen Diyaaz: “Waxaan rajeynayaa in kulanka kadib la yiraahdo: teendho dambe looma laabanayo.”

  • Barre Caraale Maxamuud: “Aan wada hadalno, si aan u heshiinno.”

  • Cabdifitaax Axmed: “Inta fadhida meeshaas kala aragti ayay yihiin. Kulanka micno ma sameynayo haddii aan is afgarad laga gaarin.”

 

Shirkan ayaa noqon kara mid muhiim ah oo laga rajeynayo inuu sahlo jawi doorasho oo loo dhan yahay, haddii si dhab ah loogu niyad wanaagsanaado wada-hadalka.

Nin Ugaandheys ah oo daaha ka rogay qorshaha ay Beesha Caalamku u dejisay Soomaaliya
MAXAA KASOO KORDHAY DAGAALKA ISRAA'IIL & IIRAAN
Sticky ad

Your email address will not be published. Required fields are marked *