Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Qaraxyo lagu diyaariyay magaalada Jowhar oo la fashiliyay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Qaraxyo lagu diyaariyay magaalada Jowhar oo la fashiliyay


Jowhar (Adduun.com) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay ciidamada ammaanka HirShabelle ka sameeyeen Jowhar, kuwaas oo lagu fashiliyay qaraxyo lagu diyaariyay magaaladaas oo uu Khamiistii booqasho ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaraxyada oo miino ahaa ayaa la dhigay qaybo kamid ah xaafadaha Horseed iyo Buulo Sheekh ee degmada Jowhar halkaas oo ugu dambeyn lagu fashiliyay.

Sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah qaraxa koobaad ayaa la dhigay xafiiska xaafadda Horseed, halka qaraxa labaadna lagu aasay waddo ku taalla xaafadda Buulo Sheekh, waxaana soo saaray ciidanka amniga oo fashiliyay.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay kusoo wargeliyeen qaraxada, kadibna sidaas looga hortegay.

Xaaladda ayaa hadda deggan, iyado ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay falalkaas oo lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah oo ay Jowhar ku sugan yihiin wafuud kala duwan oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo ka qayb-galay furitaanka mashaariic muhiim ah oo laga hirgaliyay caasimada HirShabelle.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale weerarro qaraxyo ah oo loo adeegsaday bambaanooyin ay ka dhaceen magaaladan, kuwaas oo lagu weeraray xarumo ciidan iyo guryo ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo dilal qorsheysan ka fulisa magaalada caasimada ah ee Jowhar iyo deegaannada ku xeeran ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu weli ka socdo gulufka dowladda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard