Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Daawo: Somaliland oo jawaab kulul siisay Xasan Sheekh - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Daawo: Somaliland oo jawaab kulul siisay Xasan Sheekh


Hargeysa (Adduun.com) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay hadal xalay kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimo ku addan ictiraafka Somaliland, isaga oo sheegay in qoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland aanu ahayn mid dhab ah, balse uu tilmaamay inuu yahay “dabin” ay ku dhacayso Somaliland.

Wareysi uu siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee ka baxa Dawan, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in tallaabada Israa’iil aysan waxba ka beddeleyn mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun oo sheegay in Somaliland ay dowladnimadeeda u dhammaystiran tahay, wuxuuna sidoo kale farriin cad u diray Xasan Sheekh.

“Xasanow dad maanta dowladnimadooda  u dhammaystiran tahay ayaanu nahay ciidankayagu cudud buu leeyahayxidhiidho caalami ahna maanta waanu haysanaa ee wax kaa dhul yaallaa yaanay jirin, gabbalkuna kaaga dhicin waxa aad awood hayso lasoo diyaar garow,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku dhuftay in Xasan uu diyaar u yahay, balse Somaliland ay iska difaaci doonto ayna leedahay ciidan ku filan oo xajin kara nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

“Xasan wuxuu dunida u sheegay inuu dagaal diyaar u yahay dowladda Somaliland waa dowlad astaan ay u tahay xasilooni, nabad-gelyo wadajir, doorasho, dimuquraadiyad iyo hormar ay kaga dhex ifeyso mandiqadda,” ayuu mar kale Wasiir Barkhad Jaamac Batuun.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Xasan wuxuu xalay qolofta ka qaaday nabarro qooyanaa mana moogana in Somaliland, shacabkeeda iyo xukuumaddeedaba ay ka dhiidhiyeen 35 sano kahor kuwo isaga ka awood badnaa oo harcad ay cashir u dhigeen”.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli aqoonsigii ay Israa’iil u fidisay Somaliland 26-kii December 2025 uu dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan, iyadoo Soomaaliya, dalal Carbeed iyo ururka Iskaashiga Islaamka ay tallaabadaas ku tilmaameen mid dhaawaceysa madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard