Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Axmed Qoor-Qoor oo ku laabtay Dhuusamareeb + Qorshaha xigga - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Axmed Qoor-Qoor oo ku laabtay Dhuusamareeb + Qorshaha xigga


Dhuusamareeb (Adduun.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaas, kadib maalmo kooban oo u joogay magaalada Muqdisho.

Intii uu ku sugnaa caasimadda dalka, Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hirgelinta nidaamka doorasho ee qof iyo cod oo ay Dowladda Federaalka qorsheynayso.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay isla garteen in si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta nidaamkaas, iyada oo la xoojinayo wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedka.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa dhankiisa muujiyay inuu diyaar u yahay fulinta qorshaha doorasho ee Villa Somalia, isaga oo caddeeyay in Galmudug ay door muhiim ah ka qaadan doonto geeddi-socodkaas.

Inkasta oo Madaxtooyada Soomaaliya aysan weli si rasmi ah u shaacin cidda ay u waddo hoggaanka Galmudug, haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Qoor-Qoor u muujiyay kalsooni.

Xasan ayaa la sheegay inuu Qoor-Qoor ku dhiirrigeliyay sii wado dadaallada doorashada, isla markaana uu haysto taageerada iyo kalsoonida Villa Somalia, oo dooneysa in maamullada dalka ka qabato hanaanka doorashada qof iyo cod ee weli lagu muran yahay.

Si kastaba, tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo marxalad kala guur ah oo dhinaca doorashooyinka ah, taas oo la filayo in ay saameyn weyn ku yeelato mustaqbalka siyaasadeed ee dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard