Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maanta khudbad-sanadeedkiisa dastuuriga ah u jeediyay Baarlamaanka Somaliland ayaa farriin u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in qarannimada Somaliland ay gaartay meel aan dib u noqosho aqbalayn, isagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka inay garawsato arrintaasi.
“Maanta jidka keliya ee u furan Soomaaliya waa in aan noqonno laba dal oo walaalo ah oo jaar-wanaag ka dhexeeyo, taasna diyaar baanu u nahay. Waxa aanu leenahay ku qanca xaqiiqada ah in Somaliland ay noqotay dal madax-bannaan oo la aqoonsaday,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in muddadii aqoonsiga ka dambaysay ay Somaliland martigelisay wafdiyo u badan diblomaasiyiin, madax hay’adeed oo caalami ah iyo kuwo goboleed, iyo maalgashadayaal caalami ah oo tiradoodu aad u badan tahay.
“Arrintaasi waxa ay muujinaysaa inay kor u kacday danaynta ay dunidu u hayso xidhiidhka Somaliland, xasilloonideeda, nidaamkeeda dimuqraaddiga ah iyo kaalinta istaraatiijiyadeed ee ay ku leedahay gobolka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ugu dambeyntiina, Cirro ayaa sheegay in Israa’iil oo noqotay dowladdii ugu horreysay ee ku dhiirrata aqoonsiga Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo. Isagoo xusay in Israa’iil aysan kali ku ahaan doonin aqoonsiga, isla markaana dalal kale ay mustaqbalka dhow aqoonsan doonaan Somaliland.
Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada uu maamulkaasi ugu jiro raadinta aqoonsi caalami ah, inkastoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga soo horjeedo.
Hoos ka aqriso khudbadda Madaxweynaha:
Yoolka siyaasaddeenna arrimaha dibaddu waa Jamhuuriyadda Somaliland oo hesha aqoonsiga aynu xaqa u leenahay, iyo inaynu dawladaha ka rabno jaalnimo Istaraatiji ah oo ku dhisan dano is dhaafsi.
Siyaasaddeenna arrimaha dibadda waxaa hagaya mabaadii’da nabadda, iskaashiga, iyo xidhiidh xilkasnimo iyo sinnaan ku dhisan oo ay la yeelato dunida.
Sannadkii 2025-kii, dublumaasiyadeennu waxa ay culayska saartay kordhinta galaan-galkeenna caalamiga ah, in aynnu yeelanno saaxiibbo istaraatiiji ah, iyo in aynnu dardargelinno aqoonsi raadinta.
Aqoonsiga ujeedaddiisu ma aha xidhiidh diblumaasiyadeed oo keliya, balse waa waddo loo maro fursado badan oo maanta ay dalkeenna iyo dadkeenuba u baahan yihiin.
Aqoonsiga caalamiga ahi waxa uu soo jiidanayaa maalgashatada, wuxuu fududaynayaa ganacsiga dibadda, wuxuu inoo furayaa hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, wuxuu sii adkaynayaa iskaashiga ammaanka ee aynu dalal badanna la leenahay, waxa aanu inoo furayaa in aynu xubinnimo ka helno ururrada heer gobal iyo heer caalamiba.
Waa fursad Jamhuuriyadda Somaliland u suurtagelinaysa in ay door ku yeelato xasiloonida gobalka, ammaanka badda cas iyo gacanka cadmeed, iyo iskaashiga Geeska Afrika iyo dunidaba.
Maadaama oo ay noo muuqatay muhiimaddaas uu aqoonsigu inoo leeyahay, muddo dheerna dadkeenu la’aantii caqabado badani u haysteen. Wakhti dheeraad ah iyo dadaal badan ayaannu gelinnay aqoonsi raadinta.
Dawaldda Israel waa dawladdii koowaad ee ku dhiiratay go’aan adag oo ay ku aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa aanu aaminsanahay in ay noqon doonto saaxiib la isku hallayn karo. kelina kuma noqonayso ee dalal kale, ayaa mustaqbalka dhaw ina aqoonsan doona.
Waxaa kale oo iyaguna jira, dalal raba inay inala yeeshaan xidhiidh diblumaasiyadeed iyo wada-shaqayn aqoonsi u dhiganta. Guulahaas Jamhuuriyadda Somaliland u soo hoyday cadow badan ayey madowga iyo boholaha ka soo saareen, waxaana meelo badan laga abaabulay dhagaro ka dhan ah qarankeenna iyo ictiraafkeenna.
Labadiinan aqal ee baarlamaanka, hay’adaha kala duwan ee qaranka, bulshada rayidka ah iyo dhammaan muwaadiniinta dalka, waxa aan ka codsanayaa inay si isku mid ah, oo isku duubni iyo kalsooni badani ka muuqato u soo dhoweeyeen guushan iyo kuwa daba socdaba. Dhamaanteen, aynu isu kaashdaanno difaaca qarankeenna.
Dib-u-aqoonsiga taariikhiga ah ee aynu helnay, iyo xidhiidhada diblumaasiga ah ee aynu samaynayba, waxa ay ka turjumayaan in dunidu fahamtay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo in ka badan 60 sannadood been laga sheegayey.
Muddadii aqoonsiga ka dambaysay, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay martigelisay waftiyo u badan diblumaasiyiin, madax hay’adeed oo caalami ah iyo kuwo goboleed iyo maalgashadayaal caalamiya oo tiradoodu aad u badan tahay.
Arrintaasi waxa ay muujinaysaa, inay kor u kacday danaynta ay dunidu u hayso xidhiidhka Somaliland, xasiloonideeda, nidaamkeeda dimuqraaddiga ah iyo kaalinta Istaraatijiyadeed ee ay ku leedahay gobalka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Si loo dhiso xirfadda hawlwadeenadeena diblumaasiyadda, Waxaa la aasaasay Machadka Diblumaasiyadda Somaliland oo tababarro heerkoodu sarreeyo siiyey dufcaddii u horreysay ee diblumaasiyiin ah, si loo diyaariyo jiil cusub oo xirfaddooda diblumaasiyadu dhisantahay, dunidana wakiil inooga noqon kara.
Xidhiidhka dalalka jaarka
Mudane Guddoomiye; Jamhuuriyadda Somaliland mudnaan gaar ah ayey siisaa in xidhiidh wanaagsan ay la yeelato dalalka la jaarka ah. Waxa ay aaminsantahay mabaadii’da jaar-wanaagga, is-ixtiraamka, iyo nabad ku wada noolaanshiyaha, maadaama oo gobalka xasiloonidiisa iyo horumarkiisu ay isku xidhan yihiin.
Waxa ay diyaar u tahay in ay xidhiidhka dalalkaas sii xoojiso, iyada oo xaq-dhowraysa qarannimadooda, xuduudahooda, iyo arrimahooda gudaha, iyagana sidaas oo kale ka filaysa.
Waxa aan u mahadnaqaynaa dalka Itoobiya oo muddo aad u dheer, Jamhuuriyadda Somaliland la lahaa xidhiidh caafimaad qaba oo is-qaddarin ku dhisan. Walaalaheenna gobalka aynnu ku wada dhaqannahayna, intaas iyo ka badan ayeynu ka filaynaa.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay diyaar u tahay, xidhiidh aan qarannimadeeda waxba u dhimayn oo la iska kaashado danaha la wadaago.
Waxaa ka mid ah nabadda, amniga, fududaynta isu-socodka, xoojinta iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga xuduudaha isaga gudba, dhismaha kaabayaasha, ammaanka badda, ilaalinta deegaanka, iyo guud ahaan xasiloonida gobalka.
Dawladda Xamar-na waxa aan ugu baaqayaa, inay garawsato in qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ay gaadhay meel aan dib u noqosho aqbalayn.
Maanta jidka keliya ee u furan Soomaaliya, waa in aanu noqonno laba dal oo walaalo ah oo jaar-wanaag ka dhexeeyo, taasna diyaar baanu u nahay. Waxa aanu leenahay ku qanca xaqiiqada ah, in Somaliland ay noqotay dal madax-bannaan oo la aqoonsaday.
Waxa aan idin xasuusinayaa baydad ka mid ah maansadii Gud-gude, ee Alle ha u naxariisto ee Abwaan Hadraawi.
Wuxuu yidhi,
𝐆𝐚𝐫𝐚𝐰𝐬𝐡𝐢𝐢𝐲𝐨 𝐣𝐞𝐞𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐡𝐞𝐥𝐨, 𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚
𝐉𝐞𝐞𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐚 𝐛𝐚𝐱𝐨 𝐚𝐫𝐥𝐚𝐝𝐚, 𝐠𝐨𝐨𝐝𝐝𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨𝐨𝐝𝐝𝐢
𝐉𝐞𝐞𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐮𝐟𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐨, 𝐦𝐞𝐞𝐥𝐨 𝐠𝐞𝐫𝐢𝐲𝐚𝐚𝐝𝐚
𝐆𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚𝐛𝐚 𝐢𝐥𝐚𝐚, 𝐭𝐚𝐲𝐝𝐮 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐨
𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚𝐛𝐚 𝐢𝐥𝐚𝐚, 𝐥𝐚𝐲𝐠𝐮 𝐠𝐚𝐜𝐚𝐧 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐨
𝐆𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐥𝐨𝐰 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐮𝐫𝐫𝐨𝐰, 𝐠𝐚𝐛𝐚𝐲𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐛𝐞𝐞𝐧𝐞
𝐆𝐨𝐝𝐚𝐝𝐥𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐚𝐲𝐞𝐞 𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚, 𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐧𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲𝐞
𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚 𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐧𝐝𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐲𝐠𝐮 𝐠𝐮𝐛𝐢𝐧, 𝐠𝐚𝐚𝐛𝐬𝐢 𝐦𝐚 𝐚𝐪𝐚𝐚𝐧𝐧𝐞.
Mudane Guddoomiye;
In kasta oo 2025kii ay hawlo badani inoo qabsoomeen, haddana weli shaqo ka sii badan ayaa inoo taalla. Waxaa jira caqabado nabadgelyo oo marar kala duwan hadba meel ka dhaca, iyo xaaladda gobalka Bariga dhexe iyo badda cas ee cakiran. Waa caqabado innaga dabraya in sidii la rabay aynnu hore ugu soconno.
Sannadkan 2026, waxa annu xoogga saaraynaa adkaynta dhidibbada uu dhaqaalaheennu ku taagan yahay, taas oo ay ugu horreyso in aanu sii kordhinno dadaalka aynu ku raadinayno ka faa’idaysiga khayraadkeenna dihin sida macdanta, kordhinta wax beerista, Kordhinta maaligelinta xoolaha iyo kalluumeysiga, kordhinta wax dhoofinta, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgelinta adeegga bulshada oo ka mid yihiin caafimaadka, wax barashada , biyaha iyo laydhka.
Mudane Guddoomiye;
Ugu dambeyn, In aynu gaadhno himiladeennu, waxa ay u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay yeeshaan hay’adaheenna qaranku, iyo in aynu xoojinno isku duubnida dadkeenna iyo kalsoonida ay ku qabaan dawladnimada.
Waxa aan idinka mahadnaqayaa xeerarka aad hore u curiseen ama ansixiseen ee xukuumadihii kala dambeeyey idiin soo gudbiyeen.
Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay diyaarisay siyaasadaha iyo istaraatijiyadaha hagi doona qaybaha kala duwan ee shaqada ay qaranka u hayso.
Sida oo kale-na waxa ay curisay, ama wax-ka-beddel iyo kaabis ku samaysay xeerarka xayndaabka u ah shaqadaas, kuwaas oo qaarkood idin hor yaallaan, kuwa kale-na aanu dhakhso idinku soo gudbin doonno.
Xukuumadda way ka go’antahay dhammaystirka shuruucda iyo dhaqangelinta xeerarka idinka soo baxa, iyo sida oo kale siyaasadaha iyo istaraatjiyadaha ay dejiso.
Waxa aan si gaar ah idinka mahadnaqayaa gudashada waajibaadkiina, iyo iskaashiga iyo ka wada-shaqaynta danta qaranka ee innaga dhaxaysa.
𝐀𝐋𝐋𝐄 𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 – 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐇𝐚 𝐧𝐨𝐨𝐥𝐚𝐚𝐭𝐨, 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐭𝐨.
𝐖𝐚 𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐮 𝐂𝐚𝐥𝐚𝐲𝐤𝐮𝐦 𝐰𝐚 𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐭𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐰𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐚𝐭𝐮𝐡𝐮.
𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝.
