Garoowe (Adduun.com) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xirsii Cali (Qarjab) oo eedeymo culus u jeediyay Dowladda Federaalka ayaa sheegay inay waddo waxa uu ku tilmaamay “duullaan siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhan ah Puntland.”
Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay si dhow ula socoto xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo amni ee socda, isagoo xusay in maamulkiisu uu qaaday tallaabooyin uu ku difaacayo dhulkiisa iyo nidaamkiisa dowladeed.
Qarjab ayaa hoosta ka xarriiqay in Puntland mar walba u taagneyd xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo iskaashiga heer qaran, balse uu sheegay in rajadii laga qabay Dowladda Federaalka aysan u rumoobin sidii la filayay, isagoo eedda u weyn dusha u saaray Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Waxaan ka sugaynay horumar, amni iyo in nala soo gaarsiiyo xuquuqda magaca Soomaaliya lagu helo, balse midkoodna ma aanan arag,” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in muddo ka badan hal sano iyo bar Puntland ay ku jirtay xaalado adag oo isugu jira dagaal iyo cadaadis siyaasadeed, isagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ka gaabisay kaalintii looga baahnaa ee taageerada.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in ay jiraan faragelin muuqata oo uu sheegay in lagu wiiqayo nidaamka federaalka, taas oo uu xusay inay si gaar ah u saameyneyso xasilloonida iyo wada shaqeynta dowlad-goboleedyada.
Cabdi Qarjab ayaa sheegay in Puntland ay qaadday jidka isku filnaanshaha, maaddaama sida uu hadalka u dhigay aysan ka helin Dowladda Federaalka taageeradii iyo wada shaqeyntii ay mudnayd.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Puntland ay sii wadi doonto dadaallada ay ku xoojinayso amniga iyo horumarka gudaha, iyada oo aan ku xirnaan doonin taageero dibadeed oo aan la hubin.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kuwaas oo salka ku haya arrimo la xiriira awood-qeybsiga, amniga iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
