Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Puntland oo heshiis $50 milyan kor u dhaafaya la gashay… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Puntland oo heshiis $50 milyan kor u dhaafaya la gashay…


Garoowe (Adduun.com) – Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee maamulka Puntland iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis ku kacaya lacag dhan $51 milyan, kaas oo socon doona muddada u dhaxaysa sanadaha 2026 ilaa 2027.

Heshiiskan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta adeegyada bulshada ee muhiimka u ah nolosha bulshada Puntland, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo adeegyada caafimaadka, waxbarashada, nafaqada, biyaha nadiifka ah iyo fayadhowrka, iyo sidoo kale ilaalinta iyo badbaadada carruurta.

Barnaamijyadan ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo tayada nolosha bulshada, gaar ahaan dadka nugul iyo carruurta ku nool deegaannada kala duwan ee maamulka Puntland.

Sidoo kale, heshiiska waxaa ka mid ah xoojinta siyaasadaha bulshada, kobcinta awoodda hay’adaha dowladda, iyo hagaajinta nidaamyada isku-dubaridka, kormeerka, qiimeynta iyo dabagalka barnaamijyada ay UNICEF ka fulin doonto gudaha Puntland.

Tani waxay qayb ka noqonaysaa dadaallada lagu hubinayo in mashaariicda horumarineed ay noqdaan kuwo wax ku ool ah, isla markaana si hufan loo maamulo.

Dhinaca Puntland, heshiiska waxaa saxiixay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax), halka dhanka hay’adda UNICEF ay saxiixday madaxa xafiiska Puntland, Edith Kabui.

Labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqaynta iyo dardar-gelinta horumarinta bulshada.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa tilmaamay in heshiiskan uu si toos ah ula jaanqaadayo qorshaha horumarinta shanta sano ee soo socota ee Puntland, gaar ahaan tiirka afaraad ee qorshahaas oo diiradda saaraya horumarinta awoodda bulshada iyo tan aadanaha. Qorshahan ayaa la sheegay inuu muhiim u yahay kobcinta adeegyada bulshada iyo xoojinta awoodda dadka.

Intaa waxaa dheer, barnaamijyada lagu fulin doono heshiiskan ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan dhimista saboolnimada, hagaajinta helitaanka adeegyada aasaasiga ah, iyo yareynta nuglaanta bulshooyinka ku nool deegaannada fog-fog ee Puntland.

Sidoo kale, waxaa la rajeynayaa in heshiiskan uu abuuro fursado cusub oo kor loogu qaado horumarka bulshada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Si kastaba, heshiiskan ayaa ka mid ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha caalamiga ah iyo dowlad-goboleedka Puntland, si loo gaaro horumar waara oo saameyn togan ku yeesha bulshada, isla markaana lagu taageero qorshayaasha horumarineed ee maamulka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard